Ciidamada Qaranka Somaliland oo Gudaha U Galay Xuduuda Soomaaliya

0
2997

Boocame (Hargeisa Press) – Ciidamada Qaranka Somaliland oo watay gaadiidka nooca dagaalka iyo Hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa maanta gaadhay degmada Boocame ee gobolka Sool.

Ciidamada Qaranka Somaliland oo aad u tiro badnaa, ayaa waxaa gelbinayay Guddoomiyaha Gobalka Sool Cabdikariin Xaji Diiriye oo ay wehelinayeen, wefdi ka socday Xukuumadda Somaliland iyo saraakiisha ciidamada kala duwan.

Markii aya halkaasi gaadheen Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa waxaa si diiran u soo dhaweeyay dadweyne aad u tiro badan oo ka mid ah kuwa degmada Boocame oo sita Calanka, iyagoona ku dhawaaqayay erayo ay ka mid yihiin Somaliland ha noolaato.

Dadweynaha degmada Boocame, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Ciidamada Qaranka Somaliland ay yimaadaan degmada, iyadoona wajiyadooda laga dareemayay farxad weyn.

Sidoo kale, Ciidamada Qaranka Somaliland, ayaa u sii gudbay dhinaca hawdka ee Xuduudka Somaliland iyo Soomaaliya, halkaas oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay islamarkaana Qado Sharaf loogu sameeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here