Shil Khasaare Sababay oo Caawa Ka Dhacay Degmada Wadaamagoo

0
1110

Wadaamagoo (Hargeisa Press) – Wararka ka imanaya degmada wadaamagoo ee gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in shil gaadhi oo khasaare sababay uu caawa ka dhacay degmadaasi.

Shilkan gaadhi oo ka dhacay duleedka galbeed ee Degmada Wadaamagoo, ayaa wararku sheegayaan in ugu yaraan 5 Qof ay ku Dhaawacmeen Shilka.

Shilkan gaadhi, ayaa la sheegay in uu dhacay kadib markii ay isku dhaceen laba Gaadhi oo kala ahaa Land-Crusser iyo Garando 110 ah.

Dhaawaca shanta qof ee waxyeeladu ka soo gaadhay shilka gaadhi, ayaa la soo gaadhsiiyay Cusbitaalka guud ee magaaladda Caynaba.

Somaliland, ayaa waxaa aad ugu soo badanaya Shilalka Gaadiidka, iyadoo sababaha ugu badan ee keena shilalka gaadiidku ay yihiin telifoonka mobile-ka oo dareewalladu isticmaalaan iyagoo gaadhigiina wada, xawliga loo wado gaadhiga iyo taxadar la’aan.

Waxaa ugu badan ee keena shilalka waa gaadiidka yar-yar iyo gaadiidka waaweyn ee gobollada isaga goosha.

May be an image of car

May be an image of car and outdoors

May be an image of sitting

May be an image of car

May be an image of car and outdoors

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here