Wefti Uu Hogaaminayay Badhasaabka Sool Oo Gaadhay Degmadda Boocame

0
835

Boocame (Hargeisa Press)- Wefti balaadhan oo uu hogaaminayo badhasaabka gobolka Sool C/kariin Aadan Xaaji Diiriye, oo ay wehelinayeen saraakiil ciidamadda qaranka Somaliland ka tirsan ayaa gaadhay degmadda Boocame.

Badhasaabka waxa kaloo safarka ku wehelinayay maayarka magaaladda Laascaanood C/raxiin Cali Ismaaciil, taliyeyaasha aagga barri ee jiidda hore, xubno ka socday agaasimeyaasha wasaarradaha iyo laamaha dawladda ee gobolka Sool.

Weftigaasi markii ay gaadheen degmadda Boocame, waxaa halkaasi si balaadhan ugu soo dhaweeyay qaybaha kala duwan ee bulshadda deegaamadaasi oo sitay caleemo Qoyan iyo calanka jamhuuriyadda Somaliland.

Kuwaasoo dhawaaqayay erayo ay ku muujinayeen soo dhawayntoodda, isla markaana ay ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin weftigan uu hogaaminayay badhasaabka Sool oo booqashadda ugu yimid.

LEAVE A REPLY