Ciidamada New Police-ka Oo Gudaha Somaliland Ka Qafaashay Shan Wariye Oo Reer Somaliland Ah Iyo Magacyada Saxafiyiinta La Qafaashay

0
1036
News

Hargeysa, (HargeisaPress) —War deg deg ah oo hada naga soo gaadhaya magaalada gabiley ee xarunta gobolka gabiley ayaa sheegaya in ciidamada new police-ka ee dawlad deeganka somalida toobiya ay qaafasheen shan wariye oo reer Somaliland ah isla markaan aka hawl gali jiray gobolka gabiley.

 

Shantan wariye ayaa sida uu naloo xaqiijiyay la sheegay inloo dhigay shirqool isla markaana uu gudoomiyaha degmada wajaale ee dhanka xuduudka itoobiya uu ugu yeedhay saxafiyiintan inay u shaqeeyaan sida naloo sheegay caleemo saar suldaan oo ka dhacayay degmada wajaale waliba dhanka xuduudka itoobiya.

 

Waxaaan markii ay wriyayashani tageen goobta toos loogu wareejiyay  xafiiska sirdoonka ciidamada new police-ka, iyada oo saxafi kastena la waydiiyay goobta uu ka hawl gallo,

 

Wariyayaashan ayaa sida naloo sheegay markii midkasteba sheegay meeshii iyo goobtii shaqo wareedkiisa ayaa waxay ciidamadu la hadheen mid kamida waariyayaasha kaasi oo ay ciidamadu kaxaysteen.

 

Shantan wariye ee ay ciidamada new police-ku ka kaxaysteen degmada wajaale  iyo goobaha ay ka hawl galayeen ayaa waxay kala ahaayeen sida tan.

 

Mukhtaar Nuur Ibraahim HCTV

Cayduur Qadiye Universal Tv

Ayaanle Bulsho Tv

Cilmi Maxamed Jaamac STAR Tv

Muxiyidiin SNLTV

 

Waxaana wariyayaashan sida uu naloo xaqiijiyay  naloo sheegay in afar wariye lasii dayay waxaan ay ciidmadu la hadheen wariye  Mukhtaar Nuur Ibraahim oo ka hawl gala muuqal baahiyaha HCTV xaruntiisa gobolka Gbailey.

 

Ilaa hada lama garanayo meel ay geeyeen ciidamadu wariyahan iyo sababta ay u qaafaasheen balse waxa lala xidhiidhinayaa warbixin uu telefeeshinku ka diyaariyay xasuuqii arxan darada ah ee ay ciidamadu ka gaysteen deegaanka Jaamac Dubad taas oo ay badalkeeda warbaahinta ku hadasha afka Ina Iley-ga Jigjiga ay baahiyeen cay iyo aflaagaado ay u gayteen muqaal baahiyaha HCTV.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

info@hargeisapress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here