Ciidamada Booliska Somaliland oo Xabsiga Dhigay Laba Qof oo Diinta Kiristaanka Faafinayay

0
3478

Hargeisa (Hargeisa Press) – Ciidammada Booliska Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigay Laba Qof oo dalka gudihiisa ku faafinayey Diinta Kiristaanka.

Taliyaha Ciidammada Dambi-baadhista Somaliland, ahna Afhayeenka Booliska Faysal Xiis Cilmi oo Warbaahinta la hadley ayaa sheegay in Ragga ay qabteen yihiin kuwo hore Muslim u ahaa, balse Diinta ka baxay.

“Toddobaadkii la soo dhaafay Ciidanku waxay qabteen laba Qof oo ah Murtadiin Diinta Islaamka ka baxay, haddana ah Daaciyiin Diinta Kiristaanka faafinayey, ninku wuxuu korka ka hayaa Qur’aanka iyo Fiqigaba..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Labadaa Qof waxaanu ku dacwaynay Murtadiin iyo Daaciyiin.”

Taliyuhu waxa kale oo uu sheegay “Cid kasta oo is tidhaahda Diinta Kiristaanka ku faafi in aanay Ciidanka Booliska ka baxsanayn, dalkana aan lagu faafin karin Diinta Kiristaanka..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here