“Ceel-Afweyn Bulsho Nabadgelyada Boholyow u Qabtaa joogta”…Akadeemiga Nabada

0
576

Ceel-Afweyn (HP): Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ee Somaliland oo fududeynta hawlaha wacigelinta nabadgelyada la xidhiidha u jooga deegaanada hoos yimaada degmada Ceel-afweyn, ayaa sheegay in la kulmeen bulsho boholyow u qabta helitaanka nabadgelyo buuxda.

Hawlwadeeno ka socda APD oo maalmahan ku sugnaa deegaanada ayaa sheegay inay hore kulamo ula qaateen Guddiyada Nabadda labada dhinac, lagaga tashanayey dariiqyada ugu wanaagsan ee wacyigelin balaadhan looga fulin lahaa tuulooyinka hoos yimaadda Degmada Ceel-afweyn wacyigelin oo dhanka nabadgelyada ku saabsan.

Siduu Maxamed Cabdillahi Cabdi, wefdiga Akadeemiga ka mid ah u xaqiijiyey Maxamuud Walaaleye, hawlwadeen wargeyska Dawan ka tirsan.

Wefdiga ka socda Akadeemiga Nabada ayaa sheegay in socdaalkoodu la xidhiidho u fududeyn gudashada hawlahooda 60 qof oo guddiyada nabadgelyada loo soo xulay.

Taasoo dhinac walba soo magacaabay 20 rag ah iyo toban dumar ah, muddo toban maalmood ahna hawshaasi socon doonto.

Hay’adda Akadeemiga Nabada iyo Horumarka Somaliland ayey hawshan ka taageeraysaa hay’adda Interpeace.

Hargeisa Presss.com/Hargaysa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here