“Cabdiraxmaan Cirro Wuxu Faro Madhan Ka Taagan Yahay Xisbigiisii Waddani…”

0
920

Hargeysa (Hargeisa Press)- Afhayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Buuni, ayaa eedaymo kulul u jeediyay xisbiyadda UCID iyo Waddani, isagoona ku dhaliilay in ay ku fashilmeen siyaasadda dalka.

Waxaanu sheegay in labadda xisbi mucaarad ay taageereyaashoodda hore been ugu sheegeen, isla markaana ay ku harawsadeen in 13-ka November ay doorashadda madaxtooyadu dhacayso.

Hase yeeshee arrintaasi beenta ah ayaa soo idlaatay shalay kadib markii ay golaha Guurtidda Somaliland laba sanadood u kordhiyeen muddo xileedka madaxweyne Biixi.

Afhayeenka Kulmiye waxa uu sheegay in C/raxmaan Cirro, oo ah murashaxa kursiga madaxweynenimo ee xisbiga Waddani oo Xirsi, ku wareejiyay xisbigiiisii uu hadda faro madhan ka taagan yahay.

Maadaama oo la furay ururadda siyaasayadda, sidaas darteedna ay xisbiyo ahaan u tartamayaan saddexda xisbi ee dalka ka jiray.

C/naasir Buuni, oo maanta magaaladda Hargeysa kula hadlay warbaahinta daqladda Somaland ayaa sidoo kale ka hadlay mudaharaadyadii ay dadku ku dhinteen ee ay hore mucaraadku u soo abaabuleen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here