BUUHOODLE IYO U DIYAAR GARAWGA QAADASHADA KAADHKA CODBIXINTA.

0
1094

Marka hore waxaan salaamayaa dhamaan warbaahinta madaxa banaan ee ka hawl gasha guud ahaanba Somaliland anigoo ku amaanaya sida fiican ee ay bulshadooda ugu adeegaan, waxaanan leeyahay sii wada gudbinta fikirada fayow ee aan ku salaysnayn nacaybka iyo sixun wax u fasirka.

 

Intaas ka dib waxaan manad naq ballaadhan u soo jeedinayaa Koomishanka Doorashooyinka Qaranka iyo wasaarada arimaha gudaha Somaliland sida fiican ee ay u soo habeeyeen hanaanka qabsoomida diiwaan galinta codbixiyaha ee ay ku ladhan tahay kaadhka dhalashada ee Somaliland.

 

Sidaas darteed, hadaanu nahay Deegaanka Buuhoodle waxaanu si ballaadhan u soo dhowaynaynaa qaadashada kaadhka codbixinta Somaliland, taasoo deegaan ahaan aad noogu muhiim ah, iyo waliba in nala siiyay wakhti badan oo lagu samayn karo deegaanka wacyigalinta qaadashada Kaadhka codbixinta.

 

Hadalkii ka soo yeedhay gudoomiye ku xigeenka wadani ee ku salaysnaa diiwaan galinta codbixiyaha ee gobolka Buuhoodle waxan leyahay Gudoomiye sidaad u fahantay maaha diiwaan galinta iyo doorashadauna isku xili uun bay ka wada dhacayaan Somaliland oo dhan min bari ilaa galbeed. Waxaanan leeyahay deeganka buuhoodle waa u diyaar diiwan galintaas codbixiyaha.

 

Hadanu nahay deegaanka Buuhoodle waxa noo dan ah in wakhti dheer nala siiyay oo aanu ka mid nahay gobolada ugu danbeeya ee qaata kaadhka diiwaan galinta codbixiyaha, wax yaalaha danta noo ah waxa kaw ka ah in dadka deegaanka Buuhoodle helaan wacyi galin dheeraada oo ku filan si ay yagoo isku duuban u qaataan kaadhka, doorashadana uga qayb qaataan lagana gudbo isxambaarka iyo waxyaalaha deegaanka Buuhoodle naafeeyey.

 

Hadaanu nahay cuqasha, waxgaradka, dhalinyarada, aqoonyahanka, maamulka iyo golaha degaanka degmada Buuhooodle aad iyo aad ayan ugu mahad naqaynaa koomishanka doorashoyinka iyo wasaarada arimaha gudaha Somaliland.

 

Waxa kaloo anigoo XIldhibaan jiciir ah aan hambalyo u dirayyaa qurba jooga goolka Buuhoodle ee ogaaday dawo la’aanta haysata degaanka Buuhoodle iyo gobolka soolba ee ka soo dajiyay dekada Berbera koonteenarka dawada ah kaas oo wax wayn u tari doona  dadwaynaha ku nool bariga Somaliland. Waxa kale oo aan soo dhowaynayaa shirka ka socda gobolka saraar ee deegaanka caynaba shirkaas oo noqday shirkii horumarka iyo nabada Somaliland. Waxa kale oo aan aad u soo dhowaynayaa waftiga ka kala yimi gobolada sool iyo buuhoodle ee ku sugan gobolka saraar ee u yimi armaha shirka ee nabada iyo horumarka deegaan ka hadlaya.

 

Waxaa kale oo aan soo jeedinaya in Koomishanka doorashoyinku siiyo NGO yada deganka buuhoodla ka soo jeedaa wacyi galinta diiwaan galinta codbixiyaha taas oo yana wax wayn ka tari doonta qaadashada kaadhakaas.

 

 

Wabilaahi Tawfiiq.

Waad Mahadsantihiiin

Xildhibaan: Cismaan Faarax Warsame “Jiciir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here