220 Arday Oo Ka Qali Jebiyay Jaamacadda Haayadda Shaqaalaha Dawladda JSL

0
512

Hargaysa (HP): Madaxweyne ku-xigeenka JSL C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta shahaadooyin guddoomsiiyay arday ka qalin jebiyay machadka tababarka shaqaalaha dawladda Somaliland.

Ardaydan ka qalin jebiyay jaamacadda haayadda shaqaalaha dawladda Somalilandnoo tiradoodu dhamayd 220 arday, ayaa noqonaya dufcadii 12aad ee jaamacadaasi ka qlain jebiya.

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay qalin jebinta ardaydaasi oo shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa waxaa ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland, maamulka iyo macalimiinta machadka shaqaalaha dawladda CSI.

Sidoo kale waxaa xafladaasi joogay maayarka caasimadda Hargaysa, guddoomiyaha haayada shaqaalaha dawladda, siyaasiyiin, aqoon yahano, waalidiinta ardayda qalin jebiyay iyo marti sharaf kale.

C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), oo arday bogaadiyay ardayda qalin jebiyay iyo macalimiintii ku soo tabcay mudadii ay soo baranayeen.

Waxaanu sheegay in jaamacadda haayadda shaqaalaha dawladu mudadda ay jirtay in ay ku tallaabsatay horumar weyn, isla markaana ay ku dedaaleen sidii aqoonta shaqaalaha dawladda loo tayayn lahaa.

C/raxmaan Saylici, waxa kaloo uu sheegay in markii xisbiga Kulmiye uu talladda dalka qabtay sanadkii 2010-kii in ay bilaabeen sidii loo tayayn lahaa shaqaalaha dawladda, maadaama oo ay shaqaalaha dawladu yihiin mishiinka wareejinaya shaqadda qaranka.

Geesta kale madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa ku amaanay haayadda shaqaalaha dawladda in ay dhawaan diyaarisay xeerka xaqsiinta hawl-gabka shaqaalaha dawladda.

Sidoo kale C/raxmaan Saylici, ayaa haayadda shaqaalaha dawladda JSL madaxdeeda ku amaanay diyaarinta siyaasadda shaqaalaha dawladda ee derejooyinka lagu kala siinayo.

DAAAO: Hadalkii Saylici:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here