Burco: Go’aamo Laga Soo Saaray Shirka Ilaalinta Deegaanka iyo Dhawrista Nooleyaasha

0
414

Burco (Hargeisa Press): Waxaa go’aamo laga soo saaray shir ku saabsanaa wada tashiga ilaalinta deegaanka iyo dhawrista nooleyaasha kala duwan ee gobolada Barriga Somaliland oo maanta la soo gebagabeeyay.

Shirkaasi oo socday muddo laba maalmood ah kana socday magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer  waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay wasiirrada wasaarradaha deegaanka, Cadaaladda, shaqadda iyo arrimaha bulshadda, wasiir ku-xigeenka wasaaradda xanaanadda xoolaha iyo Kalluumaysiga, iyo wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha.

Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb galay badhasaabyadda goboladda Togdheer, Sool, Sanaag, Saraar, Saaxil, Daad-madheedh, iyo Buuhoodle, teliye-qaybeedyadda ciidamadda booliska ee lixdaasi gobol iyo taliyeyaasha ciidamadda milateriga ee gobolka Togdheeer, iyo abaanduulaha aagga Barri, iyo saraakiil ka socday ciidamadda Badda, iyo maayarka Burco.

Waxa kaloo shirkaasi ka soo qayb galay guddoomiyeyaasha maxkadaha goboladda iyo degmooyinka, xeer ilaaliyeyaasha lixdaasi gobol. Sidoo kale waxaa shirkaasi ka soo qayb galay haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, ururradda bulshadda rayidka ah iyo culimaw-diinka.

Shirkaasi waxaa lagu falan-qaynayay arrimaha khatarta dhoofinta Dhuxusha, degsiimooyinka cusub ee laga dhex samaynayo dhul-daaqsimeedyadda, dhul oodashadda sharci darrada ah, ka ganacsiga, ugaadhsiga iyo haysashadda shaarci darrada ah ee duur joogta.

Gebagebadda shirkaasi ayaana laga soo saaray  go’aamo ka koobnaa sagaal qodob, oo wax lagaga qabanayo dhibaatadda Dhuxusha, ilaalinta deegaanka iyo dhawrista nooleyaasha kala duwan.

Waxaana qodobadaasi ka mid ahaa in si dhakhso ah loo hawl geliyo guddiyadda ilaalinta deegaanka ee heer qaran iyo heer gobol ilaa heer degmo, sida uu dhigayo xeerka maaraynta deegaanka XLR.79/2018.

Go’aamadii shirkaasi laga soo saaray waxaa akhriyay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi.

 

DAAWO: Agaasimaha Oo Go’aamadii Shirkaasi Ka Soo Baxay Akhriyay:

 

Dhinaca kale wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo shirkaasi soo xidhay ayaa uga mahad celisay dhamaanba masuuliyiinta iyo haayadihii kala duwanaa ee shirkaasi ka soo qayb galay.

Waxaanay sheegtay in go’aamadda iyo tallooyinka xidhitaanka shirkaasi laga soo saaray wax tarkoodda iyo in ay sidii la rabay u fuleen iyo in kale la ogaan doono toban sanadood kadib.

DAAWO: Wasiirka Oo U Mahad Celinaysa Ka Soo Qayb Galeyaasha:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here