Kiiska Ikraan Tahliil oo Loo Magacaabay Guddi Baadha

0
1354

Muqdisho (Hargeisa Press) – Xeer Ilaaliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya Genaral Cabdullaahi Buulle Kamay, ayaa sheegay inuu guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ah gabadh u shaqeynaysay hay’adda nabad-sugida Soomaaliya ee NISA oo la la’yahay.

Ikraan, ayaa waxaa markii ugu dambeysay la arkay 26-kii June, xilligaas oo xilli habeen ah ay raacday gaadhi u diiwaan gashan hay’adda NISA, sida ay waalidkeed sheegeen.

Gudidiga uu magacaabay Genaral Cabdullaahi Buulle Kamay, ayaa ka kooban saddex sarkaal oo ka kala socda xafiiska xeer ilaalinta, booliiska iyo Nabad-Sugidda Soomaaliya, waxaana shaqadoodu tahay inay baadhaan kiiska Ikraan.

Xeer Ilaaliyaha, ayaa faray taliska hay’adda Soomaaliya ee NISA inay kala shaqeeyaan saraakiisha magacaaban waddo kasta oo lagu gaadhi karo danta cadaaladda.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa sidoo kale sheegtay inay aqbaleen furashada gal-dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka maqanad Ikraan Tahliil Faarax.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here