Weriye Shaqada Dowladda Itoobiya Uga Tegay Dagaalka Soomaalida iyo Canfarta

0
1012

Addis Ababa (Hargeisa Press) – Wariye Soomaali ah oo ka howl geli jiray Telefishinka Qaranka ee Dowladda Itoobiya ee ETV, ayaa shaqadii uu ka hayay Telefishinkaas uga tagay Dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta darteed.

Wariyehan oo lagu magacaabo Nasridiin Xasan Daahir oo kamid ah suxufiyiinta Soomaalida ee ka howlgala teleefishinka Qaranka Itoobiya, ayaa xaqiijiyay in uu isaga tagey.

Nasridiin Xasan Daahir, ayaa wuxuu jeediyay dhaliil ah in si caddaalad ah waxbo loogu tebin shacabka Soomaalida gaar ahaan dhibaatooyinka ka dhaca gobollada ay degan yihiin.

Wuxuu sheegay in go’aanka uu qaatay ku saleysan yahay kadib markii uu arkay caddaaladda darrada warbaahinta dalka Itoobiya oo aan si sinayn bulshada wax ugu tebinayn.

“Go’aankeygu wuxuu ku saleysan yahay kadib markii aan arkay caddaaladda darrada warbaahinta dalka oo aanan u sineyn in bulshada ay si sinaan wax ugu tebiso” ayuu yidhi Nasridiin Xasan Daahir.

“Mar haddii codkeyga aan ugu tebin karin baahiyaha bulshadeyda ayaa waxaan qaatay in aan sii wadi karin shaqada iyo xilka aan ka hayo warbaahinta qaranka, Turjumaano ayaan aheyn oo waqooyiga iyo dhibaatooyinka qowmiyadaha kale ka dhaca ayaan tebinayay” ayuu intaasi sii raaciyay Nasridiin oo BBC la hadlayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here