“Shaqaalaha inta goluhu qaadi karro ayaa shaqaale ka ahaanaya waana xaaraan in…”

0
218

Hargaysa (HP): Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiillada JSL Cali Xaamud Jibriil, ayaa ka hadlay qorshahooda ku aadan shaqaalaha golaha ee goobo kale ka hawl gala.

Waxaanu sheegay in shaqaalaha ka hawl galla golaha Wakiiladda dib u habayn lagu samayn doono, maadaama oo guddoomiye cusub uu golaha yimid.

Isagoona xusay in shaqaalaha inta goluhu qaadi karro uun ay shaqaale ka ahaanayaan golaha, kuwa meello kale ka shaqeeyaana ay xaaraan tahay oo aan la ogolaan karin.

Cali Xaamud Jibriil, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay kadib kulan ay maanta shir-guddoonka golaha Wakiiladu la yeesheen shaqaalaha golahaasi.

Waxaanu tilmaamay in kulankaasi uu isaga laftiisu ku arkay shaqaale aanu hore u arag ama u ogayn in ay golaha ka shaqeeyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha Wakiillada JSL waxa uu sheegay in wax ka qabashadda arrimahaasi cidda masuuliyadeedda qaadaysaa ay tahay shir-guddoonka golaha.

Haddii ay wax ka qaban waayaana in ay shir-guddoon ahaan noqonayaan kuwo waajibaadkoodii gudan waayay, sidaas darteedna ay ku dedaalayaan wax ka qabashadda arrimahaasi.


Geesta kale Cali Xaamud Jibriil, waxa uu tilmaamay in shaqaalaha golaha Wakiiladu in ay meello ka shaqeeyaan waxa u suurto geliyay ay tahay iyagoo ka faa’iidaystay maadaama oo aanay shaqaalaha golaha Wakiiladda maamulin ama hoos tegin haayadda shaqaalaha dawladda.

DAAWO: Hadalka Cali Xaamud Jibriil:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here