Bilada Dahabka ah ee Guusha Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya waxa leh Wasiir Yaasiin Faratoon

0
1613

Baashe Cawil Cumar, safiirka Somaliland ee dalka Kenya waxa uu laba cisho ka hor gaadhay magaalada Nairobi, isaga oo aan dhowr bilood tegin wadanka Kenya.  Kana soo xaadirin xafiiskii uu masuulka ka ahaa.  Xidhiidhka haatan ee  Somaliland iyo Kenya ee meesha fiican maraya muu bilaabin shaqana kumu lahayn, xataa wax kale iska daaye kamu warqabin booqashada uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku tegay magaalada Nairobi, masuuliyiinta dalka Kenya wax ogaysiin ah kamay siin socdaalka weftiga Madaxweyne Muuse Biixi,  waxanay toos ula xidhiidhay xafiiska wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland. Yaasiin Maxamud Xiir (Faratoon).

Shaqsigii ka soo shaqeeyay ee hawsha iyo tacabka badani ka galay wuxu ahaa wasiirka arrimaha dibeda ee Somaliland yaasiin Faratoon,  wuxu in mudo ah waday xidhiidhka uu la leeyahay masuuliyiinta sare ee dalka Kenya,  hawshana waxa u igmaday Madaxweyne Muuse Biixi

Mudo laba sano ah ayuu wasiir Faratoon waday xidhiidhka uu la waday masuuliyiinta iyo saraakiisha sare ee dalka Kenya, waxanu gaadhsiiyay meel fiican oo gaadhay heer ay kulmaan labada madaxweyne ee Somaliland iyo Kenya

Wasiir  Faratoon oo fulinaya siyaasada xukumada Madaxweyne Muuse Biixi, wuxu dedaal dheeraada geliyay ka midho dhalinta xidhiidhka iyo wada shaqaynta labada dal ee Kenya iyo Somaliland,  hasa yeeshee Safiir Baashe Cawil mar qudha iskuma dayin in uu ka qayb qaato dedaalka uu waday wasiir Faratoon, hasa yeeshe wuxu ka door biday in uu la kulmo shirkado ganacsi oo laga leeyahay dalka Kenya kuwaas oo uu kala hadlay arrimo ganacsi iyo faa`iido isaga u gaar ah u leh, wuxu sido kale dedaal geliyay in uu Dubai Iyo Nairobi socdaalo ku kala bixiyo si uu usii wado xidhiidhka iyo wada shqaynta uu la leeyahay madaxda Imaaraatka iyo shirkada  DP- World

Dad badan ayaa moodaya in xidhiidhka Kenya iyo Somaliland uu bilaabay Safiir Baashe Cawil hasa yeeshee shacabka sidaas qaba waxa fiican in ay u dhabo galaan sida ay xaqiiqdu tahay,

Xidhiidhka maanta u dhexeeya labada dalk ee Kenya iyo Somaliland, waxa bilaabay oo amaanteeda leh Wasiirka Arrimaha Dibeda ee Somaliland, Yaasiin Maxamud Xiiray (Faratoon) waana mid taariikhda u geli doonta,

Guntii iyo gebogabadii waxan leeyahay Baashe Cawilow, waxad ku faanta oo aad taariikhda gashata wax aad adigu qabatay oo aad dedaal iyo tacab gelisay, balse guusha Somaliland iyo Kenya waxa leh Wasiir Faratoon.

Naasir Cali Xirsi

Hargeisa 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here