Berbera: Askarigii Taliyaha Dilay Oo La Xukumay Iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Oo Ka Hadlay + Muuqaal

0
1057

BERBERA, (HargeisaPress)  — Magaalada Berbera  Maxkamadda derejada kowaad ee ciidammada qalabka sida ee Somaliland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay Cabdirizaaq Maxamed Kheyre oo ka mid ahaa askarta ciidanka Booliiska ee magaalada Berbera, kaddib markii uu shalay si badheedh ah toogasho ugu dilay Berbera taliyihiisii Xiddigle Adam Guuleed Daahir.

 

Guddoomiyaha maxkamadda derejada kowaad ee ciidammada qalabka sida ee Somaliland qaybteeda gobollada galbeedka gaashaanle sare Yuusuf Faarax sharma’arke ayaa BBC u xaqiijiyay xukunkan isagoo sheegay inay u cuskadeen qodobka 170 ee xeerka ciqaabta ciidammada. “Rafcaan ayaa u bannaan dembiilaha dilka lagu xukumay” ayuu yidhi.

 

 

Dilka taliyihii ciidanka birmadka Boliiska ee gobolka Saaxil ee Berbera xiddigle Adam Guuleed Daahir ayaa rabshado ka kiciyay magaalada Berbera gudaheeda iyadoo maantana dad ka cadheysan dilkaasi ay ka xidheen waddada xidhiidhisa Hargeysa iyo Berbera meesha lagu magacaabo Abdaal.

 

Dhowr qof ayaa guddoomiyaha gobolka saaxil Fahmi Cabdi Bidaar uu xaqiijiyay in loo xidhay rebshedahaasi Berbera maanta.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here