Banaanbax Lagu taageerayay Dooddii Baarlamaanka UK Oo Burco Ka Dhacday

0
356

Burco (HP): Banaanbaxyo waaweyn oo lagu taageerayay doodii la xidhiidhay qadiyadda aqoonsiga somaliland ee dhawaan la hor geeyay baarlamaanka Ingiriiska ayaa maanta ka qamsoomay magaaladda Burco.
Banaanbaxaasi oo ahaa mid balaadhan oo ay ka qayb qaateen boqolaal dadweyne ah iyo masuuliyiin oo lagu taageerayay isla doodii baarlamaanka UK ee aqoonsiga Somaliland ayaa maanta ka qabsoontay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Waxaana isku soo baxaasi bulshadda magaaladda Burco kala qayb qaatay badhosaabka gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Ibraahin (Nafaqo), maayarka Burco C/rasaaq Herro, wasiir ku-xigeenka wasaaradda biyaha Somaliland iyo xubno ka mid ah golaha deegaanka Burco.
Waxaana banaan baxaasi ka qayb qaatay boqolaal ka mid ah dadweynaha ku nool magaaladda Burco, ardayda dugsiyadda magaaladda Burco, iyo xubno madax dhaqameed ah.
Dadweynihii isku soo baxaasi ka qayb qaatay waxaa fagaaraha beerta xoriyadda ee magaaladda Burco dadweynaha kala hadlay wasiir ku-xigeenka wasaaradda biyaha Somaliland iyo masuuliyiinta gobolka Togdheer, iyo ka degmadda Burco.

Geesta kale banaanbaxyo lagu taageerayay qadiyadaasi aqoonsiga Somaliland ayaa shalay ka qabsoomay magaalooyinka Oodweyne, Caynaba, Sheekh iyo meello kale.
Waxaana isku soo baxyadaasi dadweynaha magaalooyinkaasi kala qayb qaatay masuuliyiinta goboladaasi iyo kuwa degmooyinka.

DAAWO: Banaabixii Burco:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here