Maayarka Boorama Oo Bogaadiyay Dooddii Baarlamaanka UK Ee Qadiyadda Somaliland

0
292

Boorama (HP): Maayarka magaaladda Boorama Maxamed Axmed Warsame, ayaa si weyn u bogaadiyay doodii uu todobaadkan baarlamaanka dalka UK ka yeeshay qadiyadda aqoonsiga Somaliland.
Maayarka oo hadal ka jeediyay banaan bax weyn oo ay maanta isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah dadweynaha ku nool magaaladda Boorama ayaa sheegay in Somaliland ay mudan tahay in la aqoonsado.
Maxamed Axmed Warsame, waxa uu tilmaamay in jamhuuriyadda Somaliland oo jirtay muddo 31 sanadood ah ay qabatay doorashooyin kala duwan oo qof iyo cod ah, isla markaana ay fulisay waxyaabo badan oo dimoqraadiyad ah.

DAAWO: Khudbadii Maayarka Boorama:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here