Ballan-qaad afka ah…Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye) Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale.. Qormada: 8aad

0
1014

Wadaamaha la dawdabay,  Dan-yartay ka maqan tahay,  Raacdadu ma daallana,  Dorraad iyo shalay-jire,  Doorka maanta noo jire,   Dib-u-jire hadhow-jire,   Ninba weel u daray baa,   Deyn loogu leeyahay,   Diiwaanka qarankiyo,

Taariikhdu dug ma leh,”

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com

Qormada: 8aad

27/12/2014ka Hargeysa,

Intaa hore waxba maba ay ahayn. Ta ay keenaanba tii hore ka daran Bal hadda Qodobkan labaad aynu isagana eegno. Waxay Kulmiye inoogu ballan-qaadeen:

“In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay, iyo noocyada kale ee warbaahinta ee waafaqsan dhaqanka iyo diinta,”

Qodobkan ma ka dheregteen? Aan idiin ku celiyo:

“In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay, iyo noocyada kale ee warbaahinta ee waafaqsan dhaqanka iyo diinta,”

Waxay inaga dhaadhicinayaan oo ay inaga iibiyeen, codadkeennii qaaliga ahaana inaga siisteen: ““In si degdeg ah xayiraadda aan Dastuuriga ahayn looga qaado furashada Idaacado gaar loo leeyahay,” Waxba ku dheeraan maayo, waqtina iskaga lumin maayo e’, bal idinkuba inoo sheega haddii aad aragteen ama maqasheenba Idaacad la furay. Annagaa yaab aragnay. Iyada oo ay taasi inoo horreysay oo ay wax aan jirin inaga iibiyeen oo codadkeennii qaaliga ahaa inaga siisteen, ayay haddana maalin walba la soo taagan yihiin: barnaamajkii ballan-qaadka ahaa 100% ayaanu fulinnay. Miyaanay taasi af-lagaaddo ku ahayn garashadeenna, indhaheenna aynu waxa jira ku aragno iyo dhegeheenna aynu waxa jira ku maqallo. Sow ma ay ahayn in ay inaga xishoodaan, haddii ay doonayaan in aynu ka xishoonno. Bal ka warrama dul-qaadkeenna. Alla maxaynu u-dhabar-adaygnay.

Intaasi waa Idaacadaha ay inagu yidhaahdeen waanu furaynaa ee beenoobay. Waxay inoo furan iska daaye, wargeysyadii shaqaynayay ayay albaabbada u laabeen. Cago-juglayn, xadhig iyo weerar qaawan oo aan geedna loogu soo gabban ayay ku qaadeen. Intii ay Somaliland jirtay inama soo marin Xukuumad sidan u nugul oo u cabbani. Xukuumadihii hore oo dhan ayaa ka dulqaad badnaa oo saxaafadda uga jajabnaa.

Waa tii Hargeysa laga furay Idaacad qarsoodi ahayd markii fasaxa la waayay. Ilaahay uun baa ogaa wixii ay Xukuumaddu tamar iyo taagba ku lumisay sidii Idaacadda loo soo heli lahaa. Hadda kulmiye markii uu ololaha doorashada ku jiray Radio Horyaal ayuu adeegsan jiray, maantana Radio ma maqli karaan. Bal ka warrama marka ay ina leedahay Idaacado ayaanu fasaxaynaa. Wixii ay jeclayd oo dhan ayay ka xanaaqdaa, waxyaabihii ay nebcayd oo dhanna maanta waa ay jeceshahay. Waxaasina wax kale ma aha ee waa xanuunnada kursiga iyo sii jeclaantiisa laga qaado. Subxaan!

Tallaabooyinkan dimuqraadiyadda ka arradan ee saxaafadda madaxa-bannaan lagula kacayaa ma aha wax gudaheenna ku xun oo keliya. Magac-dil ayay guud ahaan ku tahay shacbiga Somaliland ee geesinnimada la og yahay muujiyay si dalka looga hirgeliyo Saxaafadda albaabbada loo laabay. Weriyayaasha la xidhxidhay intii ay xukuumaddani talinaysay, inta la dhaawacay, inta qalab laga jejebiyay, inta af wax cunay xishoo laga dhigay ee aan maanta soo rogan karin kana baaqaya in tuubbooyinka afka loo geliyay laga jaro. Weli faro-gelin intaas le’egi inama soo marin taariikhdeenna. Bal hadda fiiro iyo dhugmo gaar ahba u yeesha dhibaatooyinka aan laga geyoonayn ee haysta Ururkii Suxufiyiinta ee SOLJA oo beryahanba qabsan kari la’ Shirweynahoodii iyaga oo ka eed sheeganaya faro-gelin joogto ah oo ay Xukuumaddu ku hayso. Dibandaabyada u haleel badanaa oo danaha ummadda u haleel daranaa. Belo ku degtay ma maqli jirteen. Maxamed Mooge ayaa halhays u lahaan jiray.

Saxaafaddu, waa ay iiga dhowdahay mowduucyada kale oo dhan, sidaas darteed, ayaan ugu talax-tegay ee raalli ha la iga ahaado. Waxaynu ka wada dhur-sugi doonnaa go’aammada ka soo baxa Shirweynahan laga dardaar-werinayo ee SOLJA wuxu ku dambeeyo iyo saamaynta taban ee uu ku yeelan doono guud ahaanba saxaafadda Somaliland iyo dhowritaanka xorriyatal-qawlka. In aan anigu oddoros iyo saadaal idiin ku sameeyo, waxa igala fiican oo igala habboon inta ay sida tooska u taabanayso ee noocyada kala duwan ee saxaafadda ku hawlani in ay doocooda iyo dareenkooda ka dhiibtaan. Faro-gelintan Xukuumadda ee laga qayliyay, bal hadda aan eegno sida ay u saamayn doonto habsami-u-socodka saxaafadda xorta ah.

Waxaynu weli dhex-qaadaynaa Barnaamajkii Ballan-qaadka ahaa ee Xisbiga Kulmiye codadkeennii inaga siistay, bal se aan waxba laga qaban, haddana hadh iyo habeen la ina leeyahay 100% waa la fuliyay oo Xukuumaddan ammaan-jecel ayaa fulisay dhammaantii. Hadal yar oo is-tus iyo is-faanin ahi waxba tari maayo, bal ha yimaaddaan fagaarayaasha lagu doodayo oo burhaantooda ha soo bandhigeen.

Waa Bogga 16aad ee Barnaamajkaa Ballan-qaadka ahaa. Waa mowduuc sharfan oo ku suntan: DHIRRI-GELINTA BULSHADA RAYIDKA AH. Subxaan! Dhiirrigelintuna waa tee. Horto yaanan ka hor-degin ee aan idiin soo gudbiyo waxay mowduucan sharfan ka qoreen. Waxay yidhaahdeen:

“Kulmiye wuxu aamminsan yahay in bulsho rayid ah oo firfircooni ay kaalin mug leh ka qaadan karto horumarka dimuqraadiyadda, sidaas daraaddeed, Xukuumadda Kulmiye waxay diyaarinaysaa jawigii ay ururrada bulshada rayidka ahi ku magooli lahaayeen, waxaanay u dejinaysaa shuruucdii kala hagi lahaa ee wax-qabadkooda midho-dhal ka dhigi lahaa. Kulmiye, wuxu dhiirri-gelin doonaa: In ay samaysmaan ururro xirfadeed/aqooneed oo u taagan isku-xidhka aqoonyahanka, ilaalinta iyo horumarinta aqoonta.”

Faallayn kooban:

Xisbiga kulmiye inta aanu raadin bulsho rayid ah oo fir-fircoon, malaha waxa ka roon in uu isagu marka hore noqdo Xisbi jira oo fir-fircoon. Marka uu Xisbi ahaan qabsan kari waayo shirarkii Dastuuriga ahaa ee farraa, muxu cid ka tari karaaba. Xukuumaddu ma ay diyaarin jawigii ay ururrada bulshadu ku magooli lahaayeen. Taasi wax la rumaysan karo ma aha. Bal, waxaynu odhan karnaa Xukuumaddeenna abaal-daran waxay diyaarisay jawigii ay ku hagaasi lahaayeen ururrada bulshada iyo kuwa xirfadeedba.  25/12/2014ka maxaa ka dhacay Hudheel Ambasador? Maxaa ku dhacay ururkii Suxufiyiinta ee SOLJA? Waxba yaan anigu afka idiin gelin e’, bal raadiya dhagartii halkaa ka dhacday.

Aynu ku noqonno Barnaamajkii. Waa isla Boggii 16aad. Markanna Xisbigeennii hagaasay ee kulmiye wuxu ka hadlayaa: LA-DAGAALLANKA MUSUQ-MAASUQA.

Miyaad yaabteen? Oo maxaad ka yaabteen? Mid meel dhexe taagnaa ayaa cod dheer ku yidhi: “Musuq-maasuqa xaggee lagula dagaallamay? Yaa se la dagaallamay?”

Anigii baa shakiyay. Barnaamajkii Kulmiye ayaan dib u eegay. Barnaamajku isaga oo ka hadlaya Musuq-maasuqa wuxu qoray:

(La soco berri haddii Eebbe idmo)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here