Badhasaabka Sool oo Kormeeray Saldhigyadda Booliska Laascaanood

0
560

Laascaanood (Hargeisa Press)- Badhasaabka gobolka Sool Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, ayaa maanta kormeer ku soo maray saldhigyadda booliska ee magaaladda Laascaanood.

Waxaanu badhasaabku soo indho indheeyay qaybaha kala duwan ee saldhigyadu ay ka kooban yihiin, sida oobiiyada iyo qolalka kala duwan ee maxaabiistu ku jirto
Badhasaabka waxaa saldhigyadda iyo xaaladoodda uu warbixino kaga dhegaystay saraakiisha iyo taliyeyaasha ka hawl galla.

Badhasaabka, ayaa intii uu kormeerkiisa ku guddo jiray waxa uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadda booliska.

Cabdikariin Aadan Xaaji Diiriye, oo kormkeerkiisa ka hadlayayna waxa uu waxa uu yidhi, “Maanta oo ay taariikhdu ahayd 31 07 2022 waxa aan  kormeer ku tagey saldhiyada kala duwan ee ciidanka Booliska ee magaalada Laascaanood oo ay shaqo balaadhani ka socotay.

Waxa aan indho indhaynay qaybaha kala duwanee saldhigyadu ka kooban yihiin sida oobiiyada iyo qolalka kala duwan ee maxaabiistu ku jirto kuwasi oo aan warbixino kaga dhageystay”.

“Waan ugu mahad celinayaa ciidanka qaranka shaqada adag ee ay shacabkooda u hayaan gaar ahaana kuwa gobolka Sool, wanaan ku boorinayaa ku hanbalyaynayaa sida hufnaanta leh ee ay ugu adeegayaan shacabkooda, iyagoo mar walba  u taagan sugida amniga iyo la dagaalanka maandooriyayaasha” ayuu yidhi badhasaabka Sool oo kormeerkiisa ka war bixinayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here