Badhasaabka Awdal Oo Beeniyay In La Dhibaateeyay Dad Aan U Dhalan Gobolka

0
296

Boorama (HP): Guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi, ayaa ka warbixiyay xaaladaha guud ee nabad-geliyadda gobolkaasi iyo warar maalmahan la isla dhex marayay.

Wararkaasi oo la xidhiidhay in magaaladda Boorama lagu dhibaateeyay dad dhalasho ahaan ka soo jeedda goboladda Sool, iyo Sanaag, iyo sidoo kale arday waxbarasho u degan Boorama.

Waxaanu sheegay badhasaabku in aanay waxba ka jirin wararkaasi lagu sheegayay in la dhibaateeyay dadkaasi deganaashiyaha, iyo waxbarashada u jooga Boorama ee ka soo jeedda Sool, iyo Sanaag, iyo Soomaaliya inteedda kaleba.

Xasan Daahir Xaddi, badhasaabka gobolka Awdal, oo maanta shir jaraa’id oo arrimahaa kaga hadlay ku qabtay xafiiskiisa ayaa Carrabka ku adkeeyay in ka xukuumad ahaan, iyo gobol ahaanba ay tallaabo ka qaadi doonaan cid kastoo reer Awdal ah oo ku kacda in dadka aan gobolka u dhalan ay waxyeeleeyaan.

Geesta kale guddoomiyaha gobolka Awdal Xasan Daahir Xaddi, ayaa faray dadka deganaanshiyaha iyo waxbarashadda u soo doontay Boorama, ee goboladda kale ka yimid in iyaguna ay si wanaagsan oo aan nabad-geliyadda waxba u dhimaynin, in ay ula noolaadaan dadka ay la joogaan ee gobolka Awdal.


Dhinaca kale Xasan Daahir Xaddi, waxa uu digniin Hawada u mariyay dadka qurbe joogta ah ee u dhashay gobolka Awdal, ee hadaladda kicinta ah ku guubaabiya bulshadda.

Waxaanu ugu baaqay in aan looga fadhiyin in ay ka shaqeeyaan khal-khal gelinta amaanka dadkoodda nabadda ku nool, balse ay uga haboonayd in ay ka shaqeeyaan horumarka bulshadoodda.

Ugu danbayn badhasaabka ayaa baaq u diray qaybaha kala duwan ee bulshadda gobolka Awdal, isagoona si gaar ah ula hadlay culi-mawdiinka, madax dhaqameedka, iyo dhalinyarada aqoon yahanka ah.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Badhasaabka Awdal:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here