Somaliland Oo Sheegtay in Dagaalamayaal Ka Tirsan Al Shabaab ay Soo Galeen Laascaanood

0
245

Hargaysa (HP): Xukuumada JSL ayaa sheegtay in sarkaal ka tirsan dagaalameyaasha kooxda Al shabaaab ay yimaadeen magaaladda Laascaanood.

Kooxdaasi Shabaab ka tirsan ayay Somaliland sheegtay inuu ka mid yahaya sarkaal sare, isla markaana hoggaaminaya 600 oo dagaal yahan oo hubaysan.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war qooraal ah oo ay baahisay wasaarada Arrimaha Dibada Somaliland, kaasoo lagu cadeeyay in dagaalyahano xag-jir ahi ay soo gaadheen magaaladda Laascaanood.

“Ciidamada Amaanka ee xukuumadda Somaliland waxay xaqiijiyeen in ku dhawaad 600 dagaal yahan oo uu hoggaaminayo Fu’aad Maxamed Qalaf (Shanqoole), oo ah mid ka mid ah hoggaamiyaasha Al Shabaab ay Laascaanood soo galeen” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Sidoo kale xukuumadda Somaliland waxay sheegtay in sarkaalkan Shanqoole, uu doonayo in uu saldhig ciidan ka samaysto buuralayda gobolka Sanaag.

Waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in bilihii la soo dhaafay ay kor u kaceen dadka la qorayo ciidamada iyo fidinta fikradaha xagjirnimada.

Geesta kale ayaa ku tilmaantay in dhaq-dhaqaaqyadani ay xagal-daacinayaan dedaalada ciidamada Somaliland ka sameeyeen ilaalinta sharciga iyo kala danbaynta.

Waxa kaloo ay Somaliland sheegtay in ay kor u kacday nabad-galiyo darada iyo fidinta fikradaha xagjirnimadu taasi oo khatar ku ah amaanka Somaliland iyo gobolka.

Dhinaca kale warkan qoraalka ah waxa lagu sheegay in Somaliland ay qaadi doonto talaabooyin adag oo ay kaga hortagayso kooxahan ay sheegtay in ay Laascaanood soogaleen.

Waxaanay Somaliland beesha caalamka ka codsatay caawimo lagaga gacan siinayo sidii aanay kooxahaasi jihaadiyiinta ahi ugu soo fidin dhulkeedda.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here