Farriin Ku Socota Ergooyinka Ka Qayb Gelaya Shirweynaha Kulmiye

0
540

Hargaysa (Hargeisa Press): Giddiga qaban qaabadda shirweynaha afraad ee xisbiga Kulmiye ayaa fariin kama danbays ah u diray ergooyinka shirka ka qayb geli doona.
Waxaanay ugu baaqeen in ergooyinka in ay kaadhadhka ka qayb galka shirka xarunta xisbiga ee Hargaysa ka soo doontaan inta ka horaysa Sabtida soo socota.
Maadaama oo furitaanka shirku qorshaysan yahay 4ta bisha October ee soo socota.
Sidaasina waxaa shaaciyay guddoomiyaha guddiga qaban qaabadda shirweynaha Kulmiye C/kariin Xinif, oo ka hadlayay shir jaraa’id oo ay maanta lu qabteen xarunta Kulmiye.

Halkan Ka Daawo Shirka Jaraa’id Ee Guddiga:


Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here