Baanka Dhexe Oo Bulshadda Ugu Baaqay Inay Soo Xareeyaan Lacagta Duugawday

0
595

Hargeysa (Hargeisa Press)- Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ugu baaqay bulshada inay soo xareeyaan lacagta duugawday ee shilinka Somaliland ee 10 shilin, 20 shilin, 50 shilin iyo 100 shilin.

Warqad ka soo baxday baanka dhexe ee Somaliland oo loogu talo’galay warbaahinta, ayaa u dhignayd sidan: –

“Baanka dhexe ee jamhuuriyadda Somaliland, isagoo gudanaya waajibaadkiisa shaqo ila markaana cuskanaya qodobka 41aad farqaddiisa kowaad ee xeer Lr. 54/2012, kuna saabsan mawduucan kor ku xusan waxaanu ogaysiinaynaa dhammaan bulshada inay soo xareeyaan lacagta duugawday ee ka kooban 10 shilin, 20 shilin, 50 shilin iyo 100 shilin.

Waxa lagu soo xaraynayaa laamaha baanka dhexe jsl ee ku kala yaala gobollada dalka muddo dhan 14 cisho oo ka bilaabmi doonta 28 bishan todobaad ee 2021.

Muwaadinka kusoo xareeya noodhadhka kor ku xusan muddada loo qabtay waxa uu baanka dhexe ee Somaliland ugu badali doonaa noodhadh la qiimo ah cadadka uu keeno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here