Wasiirka Caafimaadka oo Furay Shirka Lix Bilood Laha

0
563

Hargeysa (Hargeisa Press)- Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Cumar Cabdilaahi Bede, ayaa maanta magaaladda Hargeysa ka furay shirka lix bilood laha ah ee qorshaynta iyo dejinta caafimaadka iyo nafaqaynta ee bulshadda.

Shirkaasi oo sanadihii hore la qaban jiray saddexdii bilood ba mar ayaan labadii sanadood ee u danbeeyay qabsoomin, arrintaasi oo ay sababtiisa keentay xanuunka Coronavirus ee dunidda aafeeyay awgeed.

Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay masuuliyiinta wasaaradda caafimaadka Somaliland ee heer qaran iyo heer gobol ba, masuuliyiin ka socday haayadaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee la shaqeeya wasaaradda caafimaadka.

Shirkani ayaa lagaga wad hadli doonaa mudadda uu socdo isku-duba-ridka iyo hawlaha caafdimaadka ee socda sidii looga wada tashan lahaa isku-duba-rikdoodda iyo dar-dargelintoodda.

Sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda ccaafimaadka Somaliland Dr. maxamed Cabdi Xergeeye, oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkaasi ee maanta.

Geesta kale shirkani ayaa  lagu qiimayn doonaa waxyaabaha u qabsoomay wasaaradda mudadii la kala maqnaa ee uu caqabadda qabashadii shirarka noocan ah ku noqday xanuunka Covid-19-ka.

Sida uu tilmaamay wasiirka caafimaadka Somaliland Cumar C/laahi Bede, oo shirkaasi si rasmi ah u furay, wasiir Bede, waxa intaas raaciyay in labadii sanadood ee u danbeeyay ay wasaaradu  dagaal adag la gashay xanuunka Coronavirus.

Waxa kaloo wasiirku uu sheegay in wasaaradu ay labadii sanadood ee ina dhaafay in ay dedaal iyo wakhtiba gelisay  qorshaynta hawlaha wasaaradu qabato, si looga midho dhaliyo barnaamijyadda wasaaradu waddo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here