Aqalka Senate-ka Mareykanka oo cod buuxa ku meelmariyey Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo USA.

0
474

Hargeysa,(HargeisaPress)— Golaha Senate-ka dalka Mareykanka, ayaa cod buuxa ku meelmariyey dhaqan-galka Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo USA oo hore Golaha Wakiilladu u ansixiyeen.

Subaxnimadii shalay ayaa shir ka dhacay xarunta Baarlamaanka Maraykanka ee Capitol Hill, waxa xildhibaannada Aqalka Senate-ku si degdeg ah ku ansixiyeen Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo USA.

Senator Bob Menendez oo ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga, lagana soo doorto Gobolka New Jersey, ayaa hoggaaminayey Senatorrada ka qaybgalay shirka Capitol Hill ee lagu ansixiyey Xeerka Ishaashiga Somaliland iyo Maraykanka.

Kulanka Aqalka Senate-ka oo saxaafadda loo diiday, ayaan laga hayn wax xog oo dhaafsan in 100 senetor oo golahaasi ka kooban yahay ku ansaxiyeen Xeerka Iskaashiga Somaliland, kaas oo ah xeer cusub oo jidaynaya iskaashi toos ah oo Maraykanku la yeelanayo Jamhuuriyadda Somaliland.

Senator Bob Mandez ayaa sheegay in aanay jirin su’aalo uu ka jawaabayo, golahooduna sharraxi doono heshiiska cusub ee Ishaashiga Somaliland iyo Maraykanka, inkasta oo aannu waqti cayiman xusin.

Gobol kasta oo ka mid ah kontonka gobol ee Maraykanka, waxa uu Aqalka Senet-ka oo ka kooban 100 senator ku leeyahay 2 xildhibaan.

Fadhiga Aqalka Senate-ku Maraykanku ku ansixiyey Somaliland Partnership Act, waxa ka qaybgalay dhammaan boqolka xildhibaan ee golahaas oo dhammaantood gacanta u taagay meelmarinta xeerkaas oo ah mid muhiimad u yeelanay horumarka iyo kor-u-qaadista qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

FIIRO GAAR AH: Marka aad booqato bogga gaarka ah ee (US State Department), waxa aad ku arkaysaa in Somaliland Partnership Act uu yahay xeer gaar ah oo aan loo oggolayn dadweynaha.

Waxa aan soo gudbin doonaa qaybaha shirka, marka US Capitol oggolaadaan in lala wadàagi karo heshiisyada ay ansixiyeen May 26.

Xigasho Ahmed Adam.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here