HESHIISKA JSL IYO USA MA NOQON DOONAA SIDA KA US IYO TAIWAN?

0
1300

Madaxweynaha dalka maraykanka ayaa sadex maalmood ka hor 24 May 2022 dalka Japan oo uu booqday si cad u sheegay in uu dalka maraykanku difaacayo TAIWAN hadii China ugu duulo sida Russia ugu duushay Ukraine.

Waxa uu noqday hadal mad-madawga ka saaray siyaasada maraykanka ee uu ka leeyahay Taiwan , ha yeeshee madaxwayne Baiden ayaa sheegay in maraykanku aaminsan yahay siyaasada hal dal oo China ah laakiin uu ka soo horjeedo wax waliba oo xoog iyo muquunin loogu geysto Taiwan oo ah dimuqaraadi.

Arimahani waxa ay ku soo beegmeen xili dawlada maraykanku ay aad u danaynayso jamhuuriyada Somaliland oo ay yimaadeen waftiyo aad u miisaan sareeya oo uu hogaaminayo taliyaha ciidamada maraykanka ee Africa ( Africom) safiirka maraykanka ee Somalia Andrea iyo madax kale oo badan.

Markii ay jamhuuriyada Somaliland ka noqdeen ayaa waxa ay sheegeen in ay maraykanku aaminsan yihiin siyaasada Soomaaliya ee hal dal oo macnaheegu yahay in aanay jamhuuriyada Somaliland aqoonsanayn laakiin hadalka madaxwayne Baiden ee Taiwan ayaa u muuqda in maraykanku jamhuuriyada Somaliland siyaasada Taiwan oo kale uu kula dhaqmi doono.

Jamhuuriyada Somaliland ayaa ka cabsi qabta quwadaha China iyo Russia oo labaduba jooga Geeska Africa oo dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland ay jaarka yihiin ka taageera xaga amaanka iyo dhismaha ciidamada iyo ciidamada badda in lagu muquuniyo awood xili Ethiopia aad u danaynayso in ay bad hesho isla markaana ay dhisatay Ciidamo badeed.

Sidoo kale Jamhuuriyada Somaliland ayaa xidhiidh wanaagsan oo heer aad u sareeya maraya la leh Taiwan, kaasi oo keenay in aanu China raali ku aheyn oo uu dhawr goor Jamhuuriyada Somaliland kala hadlay.

Arinkani ayaa laga yaabaa in maraykanku jamhuuriyada Somaliland ka taageero wax waliba oo farogalin iyo cadaadis ciidan kaga yimaada dalalka jaarka in uu ka difaaco sida Taiwan oo kale laakiin aanu jamhuuriyada Somaliland aqoonsi caalamiya siinin.

Isku soo wada xoori heshiisyada jamhuuriyada Somaliland la gashay dalka maraykanka ayaan la garanayn inta ay leeg yihiin iyo muhiimadooda xili jamhuuriyada Somaliland bugcada ay ku taallaa ay tahay mid aad xaga istaratijiyada ugu wanaagsan ( Geo-strategic) oo dalal badani doonayaan in ay soo degaan.

Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here