Aniga oo ah Xildhibaan Bidhi Waxaan Ku Diirsaday Guushii Ardayda Reer Togdheer Ay Ka Hantiyeen Hoggaaminta Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Somaliland 2015-2016

0
972

“40-ka arday ee ugu Sareeyay Imtixaanka Shahaadiga ah ee Somaliland inay Reer Togdheer ku guulaysteen 34 Kaalmood waa dhacdo lagu diirsaday”

 

Anniga oo ah Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi (Bidhi) oo ka tirsan Mudaneyaasha Golaha deegaanka degmadda Burco, ayaa guul taariikhi ah iyo juhdi layaab leh ku tilmaamay ardayda gobolka Togdheer oo si aqlabiyad ah hoggaanka ugu qabtay taariikhda waxbarashadda dalka, ka dib markii ay imtixaankii shahaadiga ahaa ee khamiistii lagu dhawaaqay ay 40-kii arday ee ugu sareeyay ka heleen 34 arday.

 

Waxaanay ardayda gobolka Togdheer ay dhigeen rikoodh cusub oo jiilka dambe ee gobolkaasi laga sugayo inay difaacdaan.

“Waxa si layaab leh ii beer qaaday natiijadii imtixaanaadka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2015-2016 ee wasaaradda waxbarashaddu ku dhawaaqday 11-kii bishan, natiijadaas waxa ardayda dugsiyadda sare iyo dhexe ee degmadda Burco iyo guud ahaan-ba gobolka Togdheer ay dhigeen wacdarro taariikhi ah oo soo jiitay dalka oo dhan gaar ahaan-na ka farxisay shucuubta gobolka Togdheer oo dhan,”.

 

“Waxa i naruuro-gelisay oo aan u riyaaqnay 34 arday oo reer Togdheer ahi ay galeen kaalmaha hore ee imtixaankii shahaadiga ahaa, iyadoo wiilasha iyo hablaha reer Togdheer ay shiiqiyeen gobolladii kale ee dalka oo dhan. taasina waa mid ay mutaysanayaan bilad sharaf magac aan duugoobaynin,”ayaan si qiiro leh u leyahay .

 

Waxaanan idin sheegaya aniga oo ah Xildhibaan Bidhi inay dhacdadani noqotay mucjiso ay Somaliland isku bareen ardayda reer Togdheer “Afartanka arday ee ugu sareeyay imtixaanka shahaadiga ah, waxa ardayda reer Burco ay ku guulaysteen 34 kaalmood, waxaanay hanteen guul bog cusub u furaysa waxbarashadda gobolka Todheer. Waxay niyad dhis iyo tusaale u tahay ardayda reer Togdheer ee mustaqbalka.”

 

“Waanu garab istaagaynaa ardayda reer Burco inaanay hoos uga dhicin mustawaha sare ee ay gaadheen, waxaan ammaanayaa maamulada dugsiyada, macalimiintii iyo waalidkii ardaydan oo ah kuwo kaalinta ugu weyn geliyay natiijadda ay ardaydani shaqeysteen,”ayan yidhi leyahay.

 

Kaalmaha sare ee ay urursadeen ardayda reer Togdheer waa:-

1)-Tobanka ardayd ee ugu sareeyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga sare wiilal iyo hablaba ee dalka oo dhan waxay ka heleen 3 arday

2-Tobanka arday ee ugu sareeyay imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiga dhexe ee dalka oo dhan, waxay ardayda reer Togdheer ka heleen 8 arday.

3-Tobankii ardayda ee ugu sareeyay dugsiga sare ee wiilasha dalka oo dhan, waxa reer Togdheer noqday 4 arday

4)-Tobankii hablood ee ugu sareeyay dugsiga sare ee dalka oo dhan, waxa reer Togdheer ku guulaysteen 7 arday.

5)- Tobankii arday ee ugu sareeyay wiilasha dugsiga dhexe, waxa reer Togdheer noqday 9 arday.

6)- Tobankii hablood ee ugu sareeyay hablaha dugsiga dhexe waxay reer Togdheer ka calfadeen 3 arday.

 

 

Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi)

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here