Agaasimaha Wasaaradda Shaqo-gelinta Oo Furay Kulan laggaga Hadlayo Sharciga Lagu Maamuli Doono Xarumaha Carruurta Lagu Daryeelo.

0
781

Hargeysa,(HargeisaPress)–Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa furay kulan lagu gorfaynayo sharcigii lagu maamulilahaa xarumaha carruurta lagu daryeelo.

Kulankan oo lagu qabtay magaladda Hargeysa waxa ka qayb galay daneeyeyaasha daryeelka Carruurta, Masuuliyiin ka socday wasaaradda Shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada iyo qaar ka mid ah maamulayaasha xarumaha Carruurta lagu daryeelo.

Agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradda shaqo-gelinta iyo arrimaha bulshada Cawaale Maxamed Muuse iyo Ciise Axmed oo ka socday Hay’adaha caalamiga ah ayaa   sheegay in ay muhiimtay sidii loo samayn lahaa xeer iyo nidaam ku saabsan habka daryeelka Carruurta iyo xarumaha lagu hayo, iyaga oo sheegay in cid kastaaba aanay iska samaysan karin xarun Carruurta lagu hayo iyada oo aanay marin Sharciga.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, waxa uu dhankiisa sheegay in wasaaraddu masuul ka tahay xarumo Carruurta lagu hayo, kuwaas oo ku yaala magaalooyinka Burco iyo Hargeysa isla markaana keeneen duruufo kala duwan in Carruurta xarumo lagu hayo, agaasimaha ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay sharci lagu maamulo xarumahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here