Agaasimaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Oo Ka Hadley Xadhiga Gudida Tog-Wajaale iyo Qorshaha dhulka ay horjogsaden

0
669

Tog-Wajaale(HargeisaPress)—Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Jidadka Cumar Sayidd Cabdilaahi Aadan iyo Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed ayaa Wadaji uga hadley Kadib markii ay Dhagax-dhigeen Dhulka lasiiyay Wasaaradda Gaadiidka Sababta Xadhiga Gudida Tog-Wajaale iyo sababta ay dhulkaa ugu dagaalameen.

Gudoomiyaha Gobolka Gabiley, Maxamed Cismaan oo ugu horeyn ka hadley arinta xadhiga Gudidaasi ayaa sheegay in Xubnaha Gudidani soo dhaaftey Xuduudkoodii islamarkaana, ay sitoos ah usoo faragaliyeen Arimihii Maamulka iyagoo ka tagey Ganacsigii iyo hawlahoodii Shaqo, ee khuseeyay sida uu hadalkiisa u dhigay.

«Halkani ma aha meel Cidd gaar ahi dan ka leedahadey Waa Mashruucaa Dadku wada leeyihiin, Nimankaa Ganacsatadda ahi Bakhaaradoodii iyo hantidoodii ayey Maamulanayaan Dawllada lama Maamulaan dhulka iyo Hantida Danta Guud ah Xabaallaha Annakaa ka masuul ah haddey buuxsamaana, Waxaanu u haynaa intaas oo beerood oo aanu ka goyney Qorshihii Danta Guud haddii School loo baahdo, Haddii Dhakhtar loo baahdo,haddii Xanaano loo baahdo,haddii Xabaalo loo baahdo, Annagey Masuuliyadaasi na saaran tahey Dawlladiibaanu nahey Qofka Shicibka ah ee Ganacsigiisa Watta Xil kama saarna Hantiyi kama galin Lacagi kama Galin dhul Dawlladeed Weeyaan Dawlladaana ku qabsaneysa Dantii ay laheyd Markaa Waxaan, u Sheegaynaa Dadka Shacabka ah innaan la khaldin oo been loo sheegin»Ayuu yidhi Gudoomiyaha Gobolka Gabiley.

Isagoo haddalkiisa sii watanna wuxu yidhi «Malaha xadhigbaanu ka jiidhnoo Nimanka Ganacsadayaasha ahi intanbaabay malaha qosheysteen baaban is idhi oo ay isku kalla Qorqoreen Waxa intan loogu Dagaalamayaa malaha Waxeynaan, ogeyn ayaa meesha kujira,annagu haddaanu nahey Maamulkii Waxaanu soo dhaweyneynaa Wax kasta oo Degmadda iyo Gobolka,iyo Qarankaba Hurumar u ah»Ayuu hadalkiisa kusoo Gunaanadey Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed.

Sidoo Kalena Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo jidadka Cumar-Sayid Cabdilaahi ayaa isaguna si kooban u xusey, in ay ka Wasaaradd ahaan dhulkan iyaka lasiiyay isagoo ka hadlayana Waxa uu yidhi.

«Dadweynaha Waxaanu u sheegaynaa halkaa Waxa laga dhisayo, Waa wax Wasaaradda Gaadiidku leedahey, Wax cid gaar ahi leedahay ma aha qof gaar ah lagama iibin Dadka Ganacsatada ah ee Reer Wajaale ee halkan shikiga ka muujiyayna Waxaanu leenahey anaga Waxba naguma jiraan hadeydaan idinku Qorshe kale haynin halkan dan umaddeed ayaa laga Sameynayaa, Tog-Wajaalena laba Dawlladood kawada jiri maayaan Dawllada Somalilandbaa amarkeedu ka shaqeynayaa qofka shacabka ahi dantiisa ha raacdo»Ayuu yidhi

Geesta kalena Sheekh Maxamed(Siyaaf),oo kamid ah Ganacsatada taageersan Gudidan ayaa isaguna sheegay in loo baahnaa waa sida uu hadalkiisa u dhigaye haddii laba dhinac oo maamul ahi khilaaf ku yimaado in Gudoomiyaha Gobolku dhex u ahaaddo haseyeeshee, Gudoomiyaha Gobolku uu dhinac la saftey.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xili si xoog ah shacbiga Reer Tog-Wajaale u hadalhayaan arimo dhul ku sahabsan iyo asbaabaha Xadhiga Gudidan oo lagu xidhiidhinayo, in ay ka dheereeyeen kaalintii ay lahaayeen. 

HargeisaPress News Desk – Hargeysa 

 

LEAVE A REPLY