Falanqaynta Sababta ay kulankii Addis Ababa uga aamuseen Raysalwasaare Abiye, Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo?

0
850

Abiy Axmed, wuxuu dedaalay u galay inuu is  horfadhiisiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyen Farmaajo

Hargeysa(HargeisaPress)-Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa ku guulaystay inuu kulan isku horfadhiisiyo labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Kulankan oo ahaa kii u horeeyay ee ay labada madaxweyne isku arkaan ayaa wuxuu gelinkii dambe ee Salaasadii ka dhacay xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya, waxaana ay dawlada Itoobiya labada madaxweyne ka reebtay weftigii la socday, kulankana waxa ku weheliyay Raysalwasaare Abiye Axmed.

Inuu Raysalwasaare Abiye Axmed isku geeyo labada madaxweyne ee Somaliland iyo Soomaaliya, waxay u ahayd talaabo u wanaagsan sumcadda hoggaamintiisa, waxaanu is aragan labada madaxweyne ugu biirayaa dedaaladii hore ee ay dunidu ugu sacabo tuntay Dr. Abiye.

Waxase dad badan yaab ku noqotay sababta uu xafiiska Raysalwasaaraha Itoobiya amaba waaxyaha kale ee dawlada Itoobiyga uga aamustay inay ugu yaraan qoraal saxaafadda loogu tallo galay ka soo saarto kulankaas oo ay dalal Itoobiya ka culusi ku guuldaraysteen qabsoomidiisa.

Sidoo kale waxa iyana la isweydiiyay sababta ay Somaliland iyo Soomaaliya markii uu kulanku qabsoomay uga aamuseen inay shacabkooda war ka siiyaan natiijada kulankaas, inkastoo ay Hargeysa iyo Muqdisho maalin ka dib kulankaas si kooban u xaqiijiyeen qabsoomidiisa, balse ay ka gaabsadeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixiyaan.

Dadka arrimaha diblomaasiyadda falanqeeya ayaa aaminsan in sababta ay dawladda Itoobiya uga aamustay inay war ka soo saarto kulankaasi la xidhiidho natiijo shilis oo aan ka soo bixin is aragga labada madaxweyne oo u muuqatay mid kedis ah oo aanay dawladda Itoobiya aad uga baaraan degin qabashadiisa, marka laga reebo inay is arkaan Biixi iyo Farmaajo.

Kulanka oo ay warbaahinta caalamiga ahi sheegtay inuu qaatay qiyaastii 40 daqiiqo, ayaa u muuqda inaan lagala soo bixin wax midho ah oo macno leh, waana sababta Raysalwasaare Abiye Axmed iyo dawladiisa ku dhalisay inaanay war ka soo saarin kulankaas, maadaama oo aanay haynin wax ka duwan in la kulmay oo ay dunida la wadaagaan.

Madaxweynayaasha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo labaduba shalay ku laabtay Hargeysa iyo Muqdisho ayaan iyaguna wax war ah ka soo saarin kulankaas.

Sidoo kale qoraalka warka ay dawladda Somaliland shalay ka soo saartay kulankaas iyo warka ay dawladda Soomaaliya soo saartay ayaa waxa labadoodaba laga akhrisan karaa inaan wax is faham ah lagala soo bixin kulankaas.

Waxa Hargeysa, Addis Ababa iyo Muqdisho laga dareemi karayaa in xataa la isku fahmi waayay in war-murtiyeed wada jir ah laga soo saaro kulankaas, si dunida iyo labada shacab ee Somaliland iyo Soomaaliya loo tuso in jid cusub u bilaabmay Madaxweyne iyo Madaxweyne Farmaajo.

Si kasabta ha ahaate, ka sokow inuu kulanku qabsoomay, ma jirto wax natiijo ama midho ah oo kulankaas ka dhashay, waxaana suurtogal ah in Abiye soo jeediyay in kulan labaad la isugu yimaado si kulanka dambe loogu diyaar garoobo, loona sameeyo gogol xaadh.

Geeska

LEAVE A REPLY