Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Soo Xidhay Shirka Mareegta Maamul-Wanaaga

0
705

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta soo xidhay shirka Mareegta guud ee Maamul Wanaaga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha, ayaa ugu horayn uga mahadnaqay ka soo qayb galayaasha iyo sida looga dooday mudadii uu socdey shirkani qorshaha Qaranka ee Saddexaad.

Waxaa kale oo uu Agaasimuhu ka waramay muhiimada uu leeyahay Governance sector meetings, kaasoo ka mid ah shanta tiir ee ay ka yimaadaan qorshaha Qaranku, ayna ku jiraan qaar ka mid ah Hay’addaha Dowladda, Donors ka ama Hay’addaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga ah intuba.

Shirkan oo la qabto saddexdii bilood hal mar, waxaa lagaga doodaa qorshaha Qaranka, sida Amniga, Cadaaladda, mashaariicda horuumarineed iyo ilaalinta Degaanka.

Sidoo kale, waxaa isna xidhitaanka shirka hadal ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, kaasi oo khubad ka jeediyey shirka, waxaanu ku dheeraaday qaabka loo horumarin karo dhaqaalaha Somaliland, iyadoo la is kaashanayo, Agaasimaha ayaa sheegay muhiimada uu Qaranka u leeyahay Mareegtan Maamul Wanaaga oo ay hoos imanayaan wax badan oo dalka iyo dadka faa’iido leh, laguna gorfeeyo horumarka iyo maamul wanaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here