Muqdisho (HP): Ciidamo ka tirsan kuwa dawladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay maanta bur-buriyeen xafiiska idaacadda iyo telefishanka gaarka loo leeyahay ee Mustaqbal ee magaaladda Muqdisho.
Sida uu sheegay agaasimaha Radio Mustaqbal oo ka hadlay dhacdadaasi ayaa mid meel ka dhac ah iyo xaaraan ku tilmaamay tallaabadaasi ay ciidamadu ku bur-buriyeen idaacadaasi, isla markaana ay dhibaatadda ugu gaysteen shaqaalihii ka hawl gelayay.
Agaasimuhu waxa uu xusay in saaka subaxnimadii ay ciidamo ka tirsan kuwa dawladda gaar ahaana Harimacad in ay xarunta idaacadda iyo telefishanka Radio Mustaqbal ee ku taalla Lanbar afar in ay saaka soo galeen.
Iyadoo ay halkaasi markii ay ciidamadu galeen ay shaqaalaha qaarna xoog banaanka ugaga saareen qaarna garaaceen, sidoo kalena ay qalabkii qaarna bur-buriyeen, qaarna ay qaateen.
Waxay sidoo kale dhaawacyo u gaysteen qaar ka mid ah shaqaalaha, sida uu sheegay agaasimaha Radio Mustaqbal.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.