
Muqdisho (HP): Dawladda Maraykanka iyo ururka Midawga Yurub ayaa si wada jir ah u taageertay go’aankii ay galabta qaateen madaxda maamul goboleedyadda Galmudug iyo Hirshabeele.
Go’aankaasi oo ay kaga soo hor jeedsadeen muddo kordhintii dhawaan ay golaha shacabku u sameeyeen haayadaha dawladda federaalka Soomaaliya.
Safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho ayaa ammaantay madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabelle inay kasoo horjeesteen muddo korodhsiga, ayna ku taageereen heshiiskii 17-kii September.
Fariin lagu qoray barta twitter-ka ee safaaradda Maraykanka ayaa loogu baaqay madaxweyne Farmaajo inuu aqbalo jidka cad ee wada-hadalka iyo nabadda, sida lagu sheegay farriintaas.
Geesta kale Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa isna farriin uu ku qoray bartiisa twitter-ka waxa uu ku ammaanay dhiirranaanta ay muujiyeen raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, iyo Maamullada ee ku saabsna in doorasho wadar oggol ah ay waddanka ka dhacdo.
Mr. Berlanga, ayaa sheegay in gacan ka hadal aysan meel uga bannaanayn Soomaaliya, jidka keliya ee bannaana uu yahay wadahadal.
Dhinaca kale, dhawaaqa Maraykanka iyo Midawga Yurub ayaa imanaya kadib markii ay maamul goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug ayaa sheegay inay ka soo horjeedaan wax muddo kordhin ah oo loo sameeyo hay’adaha dowladda federaalka.
Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen labada maamul ayey ku yiraahdeen “Waxaan isla qaadanay In ay dalka si deg deg ah uga dhacdo doorasho meeshana laga saaro nuuckasta oo ah muddo kordhin”.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.