Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Iyo Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Tabobar Usoo Xidhay 20 Suxufi + SAWIRRO

0
568

Hargeysa(HargeisaPress)–Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed ayaa tabobar usoo xidhay 20 suxufi oo muddo 2 cisho ah baranaayey hanaanka suuban ee wararka tifatiran loo sameeyo.

Tabobarkan oo lagu qabtay hotel Ambassador ee magalaada Hargeysa ayaa waxa xidhitaankiisii ka hadlay ku simaha Agaasimaha fulinta ee ururka SOLJA Ilyaas Cabdilaahi Cabdi ,waxaanu ka waramay ujeedada tabobarkaasi urur ahaan ay ka lahaayeen, isaga oo sheegay in tafaftirka xogaha wararka laga samaynayaa ay tahay arrin muhim ah , korna u qaadaysa tayada wararka ay suxufiyiintu bulshadda u tebinayaan.

Waxa isna goobtaas ka hadlay guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Sakariye Axmed Muxumed oo ku nuux nuuxsaday sida ay marwalba ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA diyaarka ugu yahay in ay tabobar helaan suxufiyiinta Somaliland,waxaanu dhanka kale sheegay in hubinta xaqiiqanimada dhacdadu ay tahay midda saxafiyiinta sumcadooda kor u qaadaysa.

Ugu dambayntiina Agaasimaha Guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil oo isna tabobarkan soo xidhay ayaa sheegay in wasaaradda warfaafintu ay door muhiim ah ka qaadato tabobarada iyo waxbarashada tooska ah ee lagu tayeynaayo aqoonta saxafiyiinta Somaliland, waxanu kula dardaarmay saxafiyiintan tabobarka loo soo xidhay in macluumaadkii iyo aqoontii ay mudada labada maalmood ah heleen ay la wadaagaan saxafiyiinta kale ee ay shaqo wadaagta yihiin.

Gebo gebadiina waxa shahaadooyin la guddoonsiiyey 20-kii saxafi ee tabobarka loo soo xidhay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here