Agaasimaha Guud Ee W. Dhalinyaradda JSL Oo Furray Tababar Ku Saabsan Barashada Waddaniyada

0
207

Hargaysa (HP): Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL Cabdirashid Caydeed Yaasin, ayaa Maanta daah-furay tababar ku saabsan barashada waddaniyada iyo ka qayb-qaadashada siyaasadda.


tababarkan oo ay ka qaybgaleen 25 dhalinyarro ah oo ka kala socday Ururadda arrimaha bulshada Ee Gobolka Maroodi-Jeex Iyo Xarumaha IDBS ayaa lagu qabtay magaalada hargeysa gaar ahaan Emperial Hotel, iyada oo halkaasi lagu siiyey tababar aad umuhiim ah oo ku saabsan barashada wadaniyadda iyo ka qayb qaadashada siyaasadda, waxaana uu socon doonaa muddo 2cisho ah insha allah.

Ugu horayn waxaa tababarkaasi ka warbixiyey agaasimaha waaxda dhalinyaradda mustafe cali nuur oo ka sheekeeyay waxyaabaha ku kalifay in tababaro noocano kale ah la siiyo dhalinyaradda reer hargeysa, isaga oo tilmaamay in wakhtigan hadda lajoogo loo baahan yahay in la helo dhalinyarro u carbisan.

Aqoonna u leh wadaniyadda, waayo barashada wadaniyadu waa xaq dastuuri ah oo looga baahan yahay qof kasta oo dalka somaliland udhashay, waxaana sidoo kale xusid mudan inaad noqotaan dhalinyarro siyaasadda dalka wax ka bedesha.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha JSL Cabdirashid Caydiid Yaasin oo si rasmi ah tababarkaasi u furay ayaa uga mahadnaqay sida xilkasnimada leh ee ay ugu horayn u ilaaliyeen wakhtiga.


Waxaanu intaasi ku daray in wadaniyaddu ay tahay wax uu qofkastaaba ay tahay inuu aamino, mabda’aahaana aaminsanaada inuu wadankiisa jeclaado,taasi waxay macno wayn samaynaysaa ama aad dareemaysaa markaad wadan aan wadankaaga ahayn aad tagto, welibana waxaa kugu abuurmaaya lexejeclo intii hore kabadan oo aad wadankaaga uqabi doonto.
Waxaan idiinkula dardaarmayaa inaad noqotaan hormoodka dalkan kor uqaada magaca dalka somaliland, inaga oo ugu horayn awoodda saarayna barashada wadaniyadda.

sidoo kale agaasimaha ayaa ka sheekeeyay halka ay maanta marayso arrimaha siyaasadda dalka somaliland oo meel fiican maraaya, iyada oo aynu ubaahanahay inaynu isku dayno in halkaasi laga sii kordhiyo, si loo helo aqoonsi buuxa oo caalamka ah.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here