Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo Safar Ku Tegay South Africa

0
430

Johnsbeg (HP): Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JSL ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiin ka tirsan dawladda South Africa.

Siciid Axmed Cabdikariim, oo safar shaqo ku jooga wadanka Koonfurta Africa ayaa sidoo kale kullamo muhiim ah la qaatay masuuliyiinta Safaaradda JSL ay ku leedahay wadankaasi South Africa.

Masuuliyiintaasi oo uu ugu horeeyo Safiirka Safaaraddaas Ambassador Axmed Jaamac Shire, iyo qaar ka mid ah madaxda sar sare ee wadankaasi.

Madaxda iyo masuuliyiinta ay sida wada jirka ag ula kulmeen Agaasimaha Guud iyo Safiirku waxaa ka mid ahaa:

1. Mr. Molesi Ramashala – Deputy president
Sthwane South TVET college,

2. Mr. Abner Musaasa – Member of ANC international subcommittee,

3. Deputy Minister of Public Enterprises
Mr Obed bapela, iyo

4. Mr k Morolong – Deputy minister of presidency.

Sidoo kale waxa ay kullamo la qaateen Ganacsato iyo Maalgashadayaal kala duwan, kulamadaas ayaa dhammantood ahaa kuwo midho-dhal leh isla markaasna kusoo dhammaaday guul iyo isfahan buuxa.

Kulamadaas ayaa ka kala qabsoomay magaalooyinka Pretoria iyo Johannesburg.

Geesta kale waxa xusid mudan in kulamadaas fududeyntooda iyo isku-dubaridkooda uu lahaa Safiirka Safaaradda JSL ee wadanka Koonfur Afrika Ambassador Axmed Jaamac Shire.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here