Wasiirka hore ee Arrimaha DIbadda Somaliland ayaa loo magacaabay Danjire sharafeed Arrimaha Raashinka ee Yukrayn

0
681

Kyiv- Wasiirka hore ee Arrimaha DIbadda Somaliland, Dr Maxamed Cabdillahi Cumar, ayaa loo magacaabay Danjire sharafeed Arrimaha Raashinka ee Yukrayn.Dr Maxamed Cabdillahi waxa magacaabay Madaxweynaha Yukrayn ee Zelenisky.

Magacaabistan ayaa dhacday shalay oo shir arrimaha cuntada ku saabsan lagu qabtay Kiyev.
Shirkan waxa lagu xusayaa sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegtay markii la bilaabay mashruuca Raashinka Yukrayn. Hogaamiyeyaal ka socda dalalka adduunka qaarkood oo ay ka mid yihiin Madaxweynayaasha Latviya, iyo Swizerland, Raaisal wasaarayaasha dalalka, Lithuaniya, Croatia, Holland, Estonia, Findland, Iceland, Portugal ido Sweden ayaa ka qaybgalay kulanka.

“Dunidu waxay waajahaysaa xaalad adag oo dhinaca cunnada ah oo ay sababtay dagaalka Ruushku ku hayo Yukrayn iyo khalkhalka ku yimi isku gududbkii Raashinka dunida. Iyadoo caqabadahaas oo dhami jiraan, hadana Yukrayn waxa ka go’an in ay u dhaqanto si masuuliyaddu ku jirto. Sannadkii hore ayuu Madaxweyne Zelenski ibbo furay Mashruuca cunnada Yukrayn si wax looga qabto macaluusha Adduunka, gaar ahaanna Afrika. Waan ku faraxsanahay in la ii magacaabay danjire sharafeed arrimahan caawiya. Hawshan muhiimka ah, waxan uga hawlgali doonaa sida ugu fiican anigoo isku dayi doonaa in aan wax ka taro gaajada ka jirta Afrika” Ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdillahi, wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Dr Maxamed Cabdillahi wuxu ahaa wasiirkii Arrimaha Dibada ee Somaliland sanadihi 2010kii ilan 2013kii. Wuxuu markii danbe noqday wasiirka Ganacsiga ilaa May 2014kii markaas oo uu xilka ku waayay khilaaf siyaasiya oo xisbiga Kulmiye dhexdiida ahaa.
Dr Maxamed Cabdillahi wuxu shaqooyin kala duwan ka soo qabtay Dalalka UK, Somaliland, Kenya Ivo meelo kale imago kast shaqeeyay hay’ado caalami ah. Waxa khibraddiisa ka mid ahayd bare sare oo Jaamacadaha ingiriiska qaarkood.

Dr Maxamed wuxu ku biirayaa hogaamiyeyaal hore oo ka socda dalalka caalamka oo qaarkood horę loo magacaabay, qaarna shalay la magacaabay. Waxa ka mid ah danjireyaasha mashruuca cunnada Yukrayn: Christopher Fomunyoh, Wasiir hore oo waibarashada, Nigeria, Joyce Banda, madaxweynihii hore ee Malawi, Charlotte Leslie, oo soo noqotay Xildhibaan dawladda Ingiriiska ah, Manav Sachdeva, oo kasoo hawlgalay xarunta guud ee Jamciyadda Quruumaha ka dhexeysa iyo dalalka Afganistan, India, Lebanon, Ukrain, Kyrgystan, iyo meelo kale.

HargeisaPress News Desk – Kyiv

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here