Afhayeenkii Ciidanka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo Shaqadii laga Eryay

0
1030

MOGADISHU — War-saxaafadeed ksoo baxay AMISOM ayaa lagu shaaciyay in shaqadii laga eryay Col. Cali Aadan Xamuud oo kasoo jeeda dalka Jabuuti, kaasoo afhayeen u ahaa muddo laba sano ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

AMISOM ayaa war-saxaafadeedda ku sheegtay in wararkii uu warbaahinta siiyay Col. Xaamud ay ahaayeen kuwo aan kasoo bixin AMISOM, laakiin ay yihiin kuwo isaga gaar u ah.

Sababta shaqada looga eryay Col. Xumad ayaa ahaa mid ka dhashay weerar ay Al-shabaab ku qaaday xarunta AMISOM maalin ka hor, kaasoo socday in ka badan 15-saacadood, inkastoo shalay baqonimadii lasoo af-jaray.

Col. Xumad ayaa xilka afhayeennimada AMISOM loo magacabaay sannadkii 2012-kii, markaasoo ay ciidamada Jabuuti oo uu ka tirsan yahay ay si rasmi ah uga billaabeen gudaha Soomaaliya howlgalkooda AMISOM.

Dhanka kale, war-saxaafadeedka kasoo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in waxii hadda ka dambeeya uu warbaahinta la hadli doono, Elwa Yaaw oo loo magacaabay sida warka lagu sheegay afhayeenka guudee ciidamada AMISOM.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here