Yaa lagu mudaharaadayaa?

0
1116

“Waxaan ahay hooyo danyar ah, salaadda subax ayaan suuqa tagaa, si nabad ahna waan u soo carraabaa Fiidkii.

Kaligay ma aha ee kumanaan rag iyo dumarba leh ayaa ila qaba noloshaa oo Hargeysa ila jooga.

Ma qaadi karno in nala jiidh-jiidho oo ay nagu durduriyaan odayaal ladnaanta xejin waayey oo dhergay, ma xammili karno Carruurta ay odayaashaasi soo dirayaan ee naga baa’biinaya miisaska yaryar ee uu noo saaran yahay Muuska aan nolosha Ubadkayaga ku debarno.

Ma aqbalayno in danaystayaashu carruurtayada iska hor keenaan. Quluubtaanu ka murugoonnaa, waxaannu u werwernaa in ubadkayaga waxyeelo ka soo gaadho Mudaharaadyadan ay abaabulayaan kuwa aan tudhaalaha aqoon.

Ma jirto cid xaq noogu leh in nala baa’biiyo oo suuqa iyo Annagaba qori dab leh nala dhex dhigo.

Soddon sanno ka hor ayaanu qaxnay, ma ilowno silicii iyo saxariirkii ALLE naga soo doojiyay.

Marnaba ma yeelayno mushkiladda iyo dhibaatada lagu baaqayo ee mudaharaadka lagu sheegayo.

Ragga dibiro-dhacsanaya ee xal aan rabshad ahayn waayey ka ogolaan mayno inay dushayada ku botoriyaan.

ILAAHAY baanu baryeynaa oo ka magan galaynaa cid kasta oo qodax ku ah nabad-gelyada aanu haysanno iyo Calankaanu hoos hadhsanayno.

Waxaan leeyahay, Ragga waaweyn ee nacaybka iyo khalkhalka wadaa ha isla yaabaan, taag iyo tamar uma hayno mudaharaad ee caqli ha ku doontaan waxay tabanayaan, hadday yeeli waayaanna dhulku wuu badan yahaye magaalada bannaankeega ha la tagaan buuqooda.

Naga xishooda oo habaar ha naga galabsanina, waalid baanu nahaye na maqla oo kibirka naga daaya.

Intaa haddii la yeeli waayo, Ciidanku gacan bir ah ha nagaga qabtaan, waayo? Dan nooguma jirto, muraadna kama lihin wax mudaharaadaya.”

Mid ka mid ah waalidka suuqa hargeysa ka ganacsada.

LEAVE A REPLY