Wefdigii Guddiga Doorashooyinka Somaliland oo Kormeeray Xarunta Laga Maamulayo Doorashooyinka Kenya

0
971

Nairobi (Hargeisa Press) – Xubnihii guddiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland ee safarka shaqo ku joogay dalka Kenya, ayaa maanta booqasho iyo kormeer ku tagay xarunta guud ee laga maamulayo doorashooyinka dalka Kenya ee loo yaqaano BOMAS-Kenya.

Ujeedka xubnahan guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa la xidhiidha sidii ay u ay uga qayb qaadan lahaayeen Kormeerka caalamiga ah ee kor ka illaalinaya doorashooyinka la filaayo inay dalkaasi Kenya ka dhacdo maalinta Salaasada ee taariikhdu tahay 9ka August 2022,

Intay xubnahan komishanka doorashooyinka Somaliland ku guda jireen shaqadooda, ayaa waxay la kulmeen xubnaha Komishanka iyo Guddoomiyaha Komishanka Kenya.

Saddex xubnood oo kamid ah wefdiga Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ka mida ah gobjoogayaasha caalamiga ah ee ka hawl-galaya xarunta dhexe ee ay iskugu imanayaan natiijooyinka goobaha codeynta ee dalka Kenya oo dhan, isla markaana lagaga dhawaaqi doono Natiijada doorashada Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.

Xubnahan oo u hoggaaminayey Commissioner Cabdicasiis Xirsi Warsame isla markaana ay wehelinaayeen Siciid Maxamed Xaaji Cismaan, Agaasimaha hawl-gelinta iyo qorsheynta, Eng. Cumar Cismaan Taani, Agaasimaha Diiwaangelinta iyo Tegnoolajiyada, ayaa xarunta dhexe ku sugnaan doona ilaa inta laga dhawaaqayo natiijada Madaxtooyada ee dalkaasi Keny, iyadoona 7 cisho gudahood lagu dhawaaqi doono natiijada doorashada madaxtooyada.

Xubnahani waxaay  kormeer ku soo mareen xaruntan guud ee isugaynta codadka, Xarunta Warbaahinta oo loogu talo galay in warbaahinta xogaha lagu siiyo iyo sidoo kale in lagula socodo wararka iyo xogaha muhiim-ka ah ee warbaahinta dalka iyo ta caalamiga ahi ka gudbinayaan xiliga doorashada Kenya.

Waxa ay sidoo xubnahan Komiishanka Dooroshooyinka Somaliland  ka qayb qateen soo bandhigidii hanaanka sax-da ah ee la rabo in muwaadin kastaa u dhiibto codkiisa kaasi oo ay muwaadiniinta codaynaya ay tusayeen Guddida Dooroshooyinka Dalka Kenya iyo xubno kale oo ka mid ahaa goob joogayaasha caalamiga ah oo Guddida Somaliland ay ka mid ahayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here