Ma Run Baa In Xukuumadu Joojisay Dhismaha Gandi Library Ee Ay Shirkadda Al Xarbi Dhisanayso?

0
1398
Gandi Library iyo Madaxweyne Biixi

Hargeysa, (HargeisaPress) — Wasaarada waxbarashada Somaliland  ayaa la sheegay inay joojisay dhisme ka socda dhulka Rugtii akhriska ee Gandi Library oo ku xigta saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa kaas oo xukuumadii hore ay ka iibisay shirkada ganacsiga Ee Al Xarbi.

Ma jiro war rasmi ah oo ku saabsan go’aanka ay Somaliland ku joojisay dhismaha Gandi Library, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa sheegay in wasaaradda waxbarashada Somaliland ay joojisay dhismahaas. Wasiirka waxbarashada Somaliland Yaasiin Faratoon oo uu Geeska Afrika xalay Telefoon ku weydiiyay arrintan, ayaa sheegay inaanu waxba kala socon joojinta dhismahaas iyo in wasaaradiisu amarka bixisay toona.

Dhismahan Gandi Library ayaa maadaama oo uu ahaa goob waxbarasho waxa uu maamul ahaan hoos tagaa wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Ma jiro War rasmi ah oo ay Xukuumaddu ka soo saartay hakinta dhismahan uu Ganacsade Xarbi ka waday Goobtii uu ku ooli jiray Gandi Library balse waxa loo badinayaa oo aad loo hadal hayaa inay arintani la xidhiidho dhaq dhaqaaq xoogan oo ay Xukuumadda Muuse Biixi bishan ku waday hantidii sifada sharci darada ah ay Xukuumaddii hore u wareejisay ama u iibisay.

Todobaadkii ugu dambeeyay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa qaaday talaabooyin uu gacanta dawladda dib ugu soo celinayo xarumo muhiim ah kuwaas oo isugu jira dhismeyaal iyo shirkaddo gaar loo yeeshay.

Waxa gacanta dawladda Dib loogu soo celiyay Kaydka Haamaha Shiidaalka Berbera iyo waaxda amniga Ee Madaarka Hargeysa, isagoo meesha ka saaray shirkad Xukuumaddii hore u xidhay Baarkinka Madaarka Hargeysa, waxa uu sidoo Madaxweyne Muuse Biixi Xayiraad saaray oo uu joojiyay dhisme ka socday Huteelkii caanka ahaa ee Hargeysa Club oo uu Madaxweynihii ee Somaliland Daahir Riyaale qandaraas ku siiyay labaatan sanno ku ku dhaw Shaqsi gaara.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here