20 Qof Oo Ku Geeriyooday Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho

0
613

Muqdisho (HP): Inta la xaqiijiyay 20 qof ayaa ku dhimatay ilaa 30 kalena way ku dhaawacmeen qarax weyn oo caawa ka dhacay degmadda Xamar-jajab ee magaaladda Muqdisho.

Qoraxa ayaa loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo la dhigay makhaayad ku taalla meel aan ka fogayn dekadda Muqdisho, halkaasoo u dhaw meesha laga ilaaliyo xabsiga dhexe ee magaaladda Muqdisho.

Dadka qaraxaasi ku dhintay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin shacab ka cuntaynayay makhaayadda xiliga qaraxu haleelay iyo kuwo la socday gawaadhi hormarayay makhaayadda.

Waxa kaloo ay wararku sheegayaan in uu dhumay dhisme dabaq ah oo ku yaalla meel u dhaw makhaayadda qaraxu ka dhacay, iyadoo loo malaynayo in ay jiraan dad uu dhismahaasi ku dumay oo weli ku hoos jira.

Ciidamadda amaanka ayaa la sheegay in ay xidheen agagaarka meesha qaraxu ka dhacay, iyadoo xaalad cakiran ay weli ka taagan tahay halkaasi.

Geesta kale ma jiro wax war ah oo ka soo baxay haayadaha amaanka ee dawladda federaalka Soomaaliya oo la xidhiidha qaraxani.

Sidoo kale ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay qaraxaasi in ay ka masuul yihiin.

Khasaaraha uu sababay qaraxaasi ayaa la filayaa inuu intaa ka sii kordho, maadaama oo aan weli si rasmiya loo ogayn tiradda dadka ku dhintay iyo dhawaacaba.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here