120 Yahuud Ah oo La Geeyay Goobaha Barakeysan Ee Qudus

0
830

Qudus (Hargeisa Press) – Booliska Israel, ayaa 120 qof oo Yuhuud ah Axadda maanta ah u gelbiyay in ay booqdaan goobta barakeysan ee magaalada Qudus, halkaasi oo falalkii booliska ee toddobaadyadii tagay ay kiciyeen mudaaharaadyo iyo dagaal ka qarxay Gaza, sidaasina waxaa sheegtay hay’add Islaami ah oo kormeerta Al-Aqsa.

Hay’adda Waqf, ayaa sheegtay in booliska ay Masjidka Al-Aqsa ka saareen dhalinyarada Falastiiniyiinta ah, ayna dadka muslimiinta ah ee da’doodu ka yar tahay 45 sano u diideen in ay galaan.

Muslimiinta gudaha galay waxaa looga baahnaa inay kaadhadhka aqoonsiga ay kaga tagaan booliska joogay albaabka laga galo dhismaha Masaajid.

Waxa kale oo ay hay’addu sheegtay in lix Falastiiniyiin ah la xidhay, iyadoo afar ka mid ah markii danbe la sii daayay.

Booliska Israel, ayaa beeniyay in uu jiray xaddidaad dhanka da’da ah, waxuuna sheegeen in ay xidheen 5 eedeysane oo sida ay hadalka u dhigeen “ku xadgudbay amarka guud.”

Afhayeenka booliska Israel Micky Rosenfeld, ayaa sheegay in goobta ay u furnayd “booqashooyinka caadiga ah,” ayna boolisku sugayeen ammaanka aagga si looga hortago “isku dhacyada.”

Hay’adda Waqf, ayaa sheegtay Axadda maanta ah in ay tahay markii u horreysay ee dad Yuhuud ah loo oggolaado in ay dhismaha booqdaan tan iyo 4-tii May oo ahayd toddobaad ka hor markii uu dagaalku qarxay.

Masaajidka Al-Aqsa, ayaa ah goobta saddexaad ee ugu barakeysan Islaamka. Masjidka ayaa ku yaalla bariga Magaalada Qadiimiga ah ee Qudus, oo ay Yuhuuddu u qaddariyaan inay tahay meesha ugu muqaddassan diintooda.

Goobta, ayaa inta badan ahayd meel ay ka dhacaan rabshadaha u dhexeeya Israel iyo Falastiin, waxayna xuddun u ahayd kacdoonkii Intifada ee sanadkii 2000.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here