Somaliland: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Ku baaqay in la adkeeyo Nabadgalyada mudada Ololaha iyo Maalinta Doorashadda

0
1610

Hargaysa,(HargeisaPress)–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa Shacabka Somaliland ka dalbaday inay si nabdoon ku galaan Ololaha doorashadda iyo Maalinta ay doorashadu qabsoomayso ee 31-Ka May waxaanu Murashixiinta ka dalbaday inay Mudnaanta kowaad siiyaan Ilaalinta nabadgalyadda.

Wasiirka arrimaha gudaha oo Warbaahinta la hadlay Maanta Xisbiyada qaranka, Murashixiinta ku loolamaysa doorashooyinka iyo Shacabka Somaliland ku adkeeyay inay dhan uga soo wada jeedaan ilaalinta nabadgalyada isla markaana qaab nabdoon lagu galo doorashooyinka isku sidkan.

LEAVE A REPLY