11 Qodob Oo Aan Maangal Ka Dhigi Karin Doorasho Qabsoonta 2019ka. W/Q Siciid Gahayr

0
935

Walaw ay xalayto qasriga Madaxtooyada Somaliland shir ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne ku-xigeenka, xisbiyada qaranka, ururrada bulshada, siyaasiyiin, masuuliyiin hore iyo mudan kale, oo la isku raacay qodobbo ay ugu muhiimsan tahay in aan doorashadu dhaafin 2019ka, nuxurkaasi iilama muuqdo mid sinaba suurtagal ah. Miyay baabacadda timo ka soo baxayaan?

Kow iyo tobankan qodob awgood, waxa aad u yar fursadda uu loollan goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ahi u qabsoomi karo 2019ka:

1. Lama oga in ay Golaha Guurtidu raaci doonaan af-garadka Madaxweynaha, Xisbiyada iyo Ururrada bulshada. Hore ayay 2015kii u baalmareen qaraar ay wada saxeexeen saddexda xisbi sannadkii 2015ka. Iyada oo ay xisbiyadu isla garteen in la kordhiyo sannad iyo lix bilood ayay guurtidu sannad iyo toban bilood qalinka ku duugtay. “Goaanka guurtida ayaa sharci ah” ayay soo saareen Golaha Garsoorka Somaliland

2. Muddada ugu kooban ee goleyaasha loo kordhin jiray waa 6 bilood.. Taas oo noqonaysa Abril-Oktoobar 2019ka. Saddex bilood oo kala guur ah laguma qaban karo doorasho.

3. Mudda-xileedka Guddida Doorashada Qaranku waxay ku egtahay Nof 2019, waxaana u dhammaanaya shantii xilkaas loo igmaday oo Nof 2014ka bilaabmaya.. Magacaabista kuwa cusub, ansixintooda, xulistooda, tababarkooda iyo doodda tiradooda ayaa bilo qaadanaysa. Lama oga in GDQ ee hadda jooga oo ay xisbiyada qaarkood dureen inay ku adkaysan doonaan sii joogista iyo qabashada doorashada oo ku beegmaysa bisha u dambaysa muddo-xileedkooda: waa haddii guurtidu kordhiso lix bilood.

4. Diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha qaangaadhka noqday 2016-2019 iyo dadkii aan kaadhka hore u qaadan ayaa wakhtigeeda qaadanaysa

5. Saami-qaybsiga Golaha Wakiillada xal lagama gaadhin. Xisbiyada WADDANI, KULMIYE iyo UCID hore ayay ugu guul-darraysteen inay kuraasi ugu kala qoondeeyaan lixda gobol. Xalka ugu dhawi waa in gobol walba la siiyo kuraasi u dhiganta tirada dadka iska diiwaan-geliyay. Maangal ma aha in la raalli-geliyo beelo, jufooyin iyo qoysas iyada oo qarannimo la wado.

6. Kootada kuraasida wakiillada ee Haweenka iyo Beelaha Gabooye la iskuma raacsana

7. Sidee ayay mudaneyaasha wakiilladu uga imanayaan deegaannada aanay ka dhicin diiwaan-gelinta buuxda sida Sanaag-bari, Sool qaybo ka mid ah iyo Buuhoodle?. Halkaasna heshiis kuma hayo.

8. Golaha wakiillada oo 13 gu’ kuraasida fadhiyaa waxa ay cimri-dherer ka dhiganayaan muddo-kordhin. Diyaar uma aha in ay sameeyaan xeerkii lagu dooran lahaa illaa hadda. “Shantii sanno ee ay reerku i doorateen way dhammaatay. Imaka lafahayga ayaan Xildhibaan u ahay” ayuu Mudane ku yidhi nin qoyskiisa ah.

9. Murashixiinta Golaha Wakiilladu uma muuqdaan kuwo dabada ka riixaya in kuraasida la banneeyo, qudhoodu waa ay daaleen hadda. “Shantii aanu idin doorannay waxay idinkaga dhammaadeen bannaanka” ayaa lagula kaftamaa.
10. Goleyaasha Deegaanka Somaliland qudhoodu waxa ay doorbidayaan caga-jiidka iyo dib-u-dhaca doorashada. “Kuwii horeba 10 ayay fadhiyeen. Wakhtigu naga dhawa” ayay yidhaahdaan.

11. UDUB waxay 2005 kala direen gole 65% muxaafid ahaa, waxaana ku soo baxay gole wakiillo oo 65% mucaarid ku ah, oo xitaa shirgudoonka ka qaatay. Sidaas ayay doorashadii guurtida uga niyad-jabeen oo ay muddo-kordhin u miciinsadeen tan iyo 2006. Iyada oo ay joogaan gole wakiillo iyo goleyaal deegaan oo muxaafid ahi, haddii aanu KULMIYE nahay waxa nagu adag inay doorashada ku soo baxaan mudanyeel mucaarid ah oo nagu noqda laf dhuun gashay.

Shirka xalay waxa niyadda loogu dejiyay niman hammuun u qabay inay qasriga mar uun galaan, kuwaas oo beryahan dibad-wareeg ah. In la isu yimaaddaa ma xuma, laakiin wax horumar ahi weli iima muuqdaan. Waxan arkayay uun niman ilmaadeer ah oo laabta is gelinaya, isa soo dhaweynaya, isna gacan-qaadaya.

Haddii ay saadaashu u rumawdo sidaas aan u iftiimiyay, waxa muhiim ah in talo kale la isla gorfeeyo.

“Kursiyahaw gandoodee
Sharaf lagu gedaamee
Geyiga u sarreeyaa
Maxaan gaajo kuu qabay
Inaan guudka kaa koro” Abwaan Axmed Maxamed Nuur (Dhako)

W/Q Siciid Gahayr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here