100 Qof oo Ku Dhintay Dagaalkii Dhexmaray Soomaalida iyo Canfarta

0
1067
Dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta
Dagaalka u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta

Siti (Hargeisa Press) – Dagaalkii u dhexeeya Canfarta iyo Soomaalida ee Itoobiya ayaa waxaa ku geeriyooday ugu yaraan 100 qof oo u badan dhinacyadii dagaalamayay.

Axmed Xumed, oo ah taliye ku-xigeenka booliska ee gobolka Canfarta ayaa khadka telefoonka ugu sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in rabshadaha ay soo qaadeen ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida.

Cali Bedel, oo ah afhayeen u hadlay deegaanka Soomaalida, ayaa sheegay in ciidamada Canfartu dileen 25 qof Jimcihii, tiro aan la garanayn oo rayid ahna ay ku dhinteen dagaalkii talaadadii shalay.

Labada dhinacba waxay beeniyeen inay iyagu bilaabeen dagaalka, wuxuuna midba midka kale ku eedeeyay masuuliyadda rabshadaha.

Dowladda Ethiopia ayaa ciidamadeeda milatariga geysay goobihii lagu dagaalamay, iyagoo lagu amray in ay kala dhex galaan ciidamada dagaalamaya.

LEAVE A REPLY