Isku-duwaha Cusub Ee Haayadda barokaceyaasha Sool Oo Xilka La Wareegay

0
420

Laascaanood (HP): Xoghayaha gobolka Sool ayaa maanta xilalka u kala wareejiyay isku-duwihii hore ee haayadda barakacayaasha iyo qaxoontiga ee gobolka Sool Cabdalle Xirsi Jaamac iyo isku-duwaha cusub Maryan Cabdullaahi Warsame.

Isku-duwihii hore ee haayadda barokaceyaasha ee gobolka Sool ayaa  lagu amaanay inuu muujiyay hawl-karnimo intii uu hayay shaqadan uu maanta wareejiyey.

Halka isku-duwaha cusub-na lagula kula dar-daarmay  shaqo wanaag, dedaal iyo hufnnaan inay samayso   masuuliyad ay  ku maarayso shaqadan loo dhiibay.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee maamulka gobolka Sool  oo warbaahinta loogu tallo galay.

Geesat kale xoghayaha gobolka Sool, ayaa ku bogaadiyay guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha kaalinta uu siiyay haweenka, maadaama oo isku-duwaha cusub ay tahay gabadh.

“Guddoomiyaha guud ee xafiiska barkacayaasha iyo qaxoontiga waxaan ku bogaadinayaa kaalinta u siinayo haweenka oo hal-bawle u ah bulshada iyo dawladda ba” ayuu yidhi xoghayaha gobolka Sool .

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Xafiiskan, maamul ahaan waxaa naga go’an in aan kala shaqayno arrimaha uu u xilsaaran yahay.

Sida dhawridda muhaajiriinta, si waafaqsan shuruucda dalka iyo xeerarka caalamiga ah ee u degsan”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here