Daraasad Lagu Samaynayo Saamaynta Isbedelka Cilmiladda Ee Biyaha Cuntadda iyo Deegaanka

0
515

Hargaysa (HP):  Daraasad Cilmi-baadhis ah oo lagu ogaanayo isbedelka cimilada iyo dhibaatoiyinka uu ku keeno Biyo yaraanta, Cunto yaraanta iyo isticmaalka dhulka ayaa maanta laga daah-furay magaaladda Hargaysa.

Cilmi baadhistaasi ayaa laga fulin doonaa saddex magaallo oo ku kala yaalla saddexda wadan ee Somaliland, Itoobiya iyo Kenya.

Waxaana iska kaashanaya haayadaha Transparency solution iyo Action Aid, waxaana si wada jira u daah-furay daraasadaasi agaasimeyaasha guud ee wasaarradaha deegaanka, biyaha iyo beeraha Somaliland.

Daraasad-cilmi baadhis lagu samaynayo saamaynta togan ee uu isbedelka cimiladda adduunku ayaa si gaara diirrada loo saari doono dhinacyadda cuntadda, biyaha beerraha iyo istcimaalka dhulka.

Taasoo looga dan leeyahay sidii ay bulshadu arrimahaasi ugu yeelan lahayd adkaysi, sida uu sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY