Xabbad Joojin Ka Hirgashay Qaza iyo Falastiiniyiinta Oo Guul Weyn U Dabaal Degaya

0
897
Lighting up the sky: There was also concern that some of the key differences underlying the longest, bloodiest battle between the old foes in years remained unresolved
Lighting up the sky: There was also concern that some of the key differences underlying the longest, bloodiest battle between the old foes in years remained unresolved

GAZA,(HargeisaPress) —Falastiiniyiinta ayaa u dambaal degaya guul ay sheegeen inay ka gaadheen Dagaalkii 7-da todobaad socday ka dib markii Falastiiniyiinta iyo Israel isku raaceen Xabad joojin Rasmi ah oo aan wakhti loo qaban lana filayo inay noqoto mid waarta.

Madaxweynaha Falastiiniyiinta maxamuud Cabbaas, ayaa sheegay inay Hir gashay Xabbad joojintu islamarkaana ay aqbaleen dhamaan dhinacyada ay khusaysay. Waxa uu u mahadceliyay dawladda Masar, Qadar iyo Maraykanka oo suuro galiyay xabbad joojinta. Waxa uu sheegay inuu dhamaaday wakhtigii haysashada islamarkaana ay dhisi doonaan qaran cusub.

Warbaahinta Israel iyo Wakaaladaha Wararka ee Reuters iyo AFP ayaa wariyay in Israel aqbashay xabbad joojinta islamarkaana ay hirgalisay.

Ururada Hubaysan ee Falastiin, sida Xamaas iyo Jihaadal Islam, ayaa masuuliyiin u hadlay sheegeen inay aqbaleen xabbad joojinta, kuwaasi oo ku tilmaamay xabbad joojinta Guushii iska caabiyeyaasha Israel.

Xabbad joojinta ayaa lagu heshiiyay in Xayiraada laga qaado Falastiin ka dib mudo sideed sano ah oo ay Xayiraadi saarnayd. Xabbad joojinta ayaa u suuro galinaysa falastiin inay u furnaadaan Badda, Barriga iyo Hawadda. Falastiiyiinta ayaa sheegaya inay madaarada iyo Dekaddaha dhisanayaan haddii mar kale la soo weerarana ay weerarayaan mar kale kuwa Israel.

Falastiiniyiinta ayaa ku damaashaadaya dariiqyada Duqaynta Israel daashatay mudooyinkii u dambeeyay, iyagoo aaminsan inay ku guulaysteen u jeedadoodii dagaalka.dadka ayaa ku faraxsan ka qaadista xayiraada dhulkooda, baddooda iyo hawadooda. Waxay kor u taagayaanGacmaha iyagoo samaynaya  Calaamadda V ee muujisa Guusha.

Falastiiniyiinta ayaa dagaal adag u galay Sidii xayiraada looga qaadi lahaa, iyadoo dhawr jeer diiday xabad joojinta.

Ilaa laba kun oo falastiiniyiin ah ayaa ku dhintay ku dhawaad 2 bilood oo dagaalku socday iyadoo Israel inta la ogyahay ay kaga dhinteen ku dhawaad 80 Askar ah.

 

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here