ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Ingiriiska Oo Kulan La Qaatay Madaxweyne Siilaanyo,Kormeerna Ku Tagay Xarunta Ciidanka RRU-da

0
990
ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Ingiriiska  Mr. Julian Miller
ku xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka Ingiriiska Mr. Julian Miller

Hargeysa,(HargeisaPress) —  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo ku xigeenka lataliyaha Amniga Qaranka Ingiriiska(Deputy National Security Adviser) Mr. Julian Miller oo shalay safar ku yimid Hargeysa ayaa qasriga Madaxtooyada ku yeeshay Kulan saacado qaatay galinkii hore ee maanta.

Kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Mr. Julian Miller, ayaan laga hayn xog rasmi ah hase ahaatee Masuulkan dawladda Ingiriiska ka socda ayaa u jeedadiisu tahay arimo la xidhiidha amaanka.

Madaxweynaha iyo Mr. Julian Miller, ayaa sidoo kale Duhurnimadii bookhday Xarunta Ciidanka RRU-da, halkaasi oo ay ku soo kormeereen xaaladaha Ciidankan oo Ingiriisku bixiyo qalabkiisa,tababarkiisa iyo kharashka ku baxa islaamrkaan loogu tala galay la dagaalanka Argagixisada.

Ilaa hadda Xukumaddu kamay soo saarin war rasmi ah Socdaalka Masuulkan Dawladda Ingiriiska ka socda iyo kulamada Madaxweynuhu la yeeshay.

 

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here